Sweden: Haweeney boolis ah oo tacadi u geysatay wiil soomaali ah oo shaqada laga ceyriyay.

0
213

Waxaa shaqada laga ceyriyay, isla markaana ganaax loogu daray haweeney booliska oo magaalada Uppsala sanadkii hore tacadi kula kacday wiil soomaali ah oo 16 sano jir ah .

Haweeneydan 40- sano jirka ah oo markaas ku jirtay shaqada booliska ayaa gacanta ku dhigtay wiilkan soomaaliga ah oo la sheegay inay ku qabatay fal xatooyo ah, laakiin waxey si ka baxsan awooda booliska ay u adeegsaday tacadi iyo cadaadis dheeri ah, taas oo ugu danbeyn keentay in hada shaqada laga fariisiyo.

Muuqaal Video oo ay duubtay kamerada darbiga ayaa waxaa la arkayay haweeneydan oo si adag ula dhaqmeyso wiilkan dhalinyarada soomaaliga ah, inkasta oo muuqaalka laga maqlayi in isaga aftirkiisu uu aflagaado iyo caay askariyada u geysanayay markaas.

Xigasho/kilde: NSD.SE,  Expressen.se

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments