Degmooyinka Norway oo dagaal adag ugu jiro qaadashada qoxooti cusub

0
194

Dhowr sano kahor, xiligii ay qoxootigu aadka u imaan jireen Norway, waxaa dhici jirtay in degmooyinka qaar ay iska diidaan qaadashada qoxooti cusub oo ay dib u dajin u sameeyaan, waxeyna dowladu adeegsan jirtay awood si degmooyinka loogu qasbo inay qoxooti qaataan.

Hada xaalada wey ka duwantahay sidii hore, waxeyna degmooyinku dagaal ugu jiraan qaadashada qoxooti cusub, markana dowlada ayaa leh doorashada degmada qaadan doonto qoxooti. Wasiirada soo galootiga Sylvi Listhaug ayaa sheegtay in degmooyinka horey ugu guuleystay inay qoxootiga dhexgaliyaan bulshada, markan lagu abaalmarinayo inay markale qaataan qoxooti kale oo cusub, oo ay dib u dajin u sameeyaan.

Sababta keeneyso in degmooyinku ay dagaal adag u galaan soo qaadashada qoxooti cusub, ayaa ah inay dowlada kaga helayaan dhaqaale badan, taas oo ay shaqo abuur ugu sameyn karaan dadka degan degmada iyo guud ahaan maamulka degmada. Soo qaadashada qoxootiga ayaa degmooyinka qaar u ah ilaha dhaqaale ee ugu badan oo ay dowlada ka helaan.

Listhaug ayaa sheegtay in maadaama dadka Norway soo galo ay aad u yaryihiin, ay hada degmooyinku jaanis fiican u heystaan inay isdhexgalin-bulsho u sameeyaan qoxootiga ay qaataan. Waxeyna sheegtay inay doorbideyso in la qeybiyo qoxootiga, iyada oo loo eegayo heerka aqoontooda ay horey u heysteen.

Listhaug ayaa sanadkii lasoo dhaafay jabisay rekord cusub, kaas oo ah tirada qoxootiga dib u dajinta loo sameeyay. Waxeyna ku guuleysatay inay dib u dajin u sameyso ilaa 15.000 qof.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments