Abid Raja oo ay u badantahay in wasiirka cadaalada laga dhigo, hadi Venstre ay kamid noqdaan xukuumada Solberg

0
183
Abid Raja Foto: Venstre

Sida ay qorayaan qaar kamid ah wargeysyada waaweyn ee dalkan Norway oo soo xiganayo xubno ka agdhow madaxda xisbiga Venstre oo maalmahan wada-hadal kula jiro xukuumada Erna Solberg, Abid Raja oo ah siyaasi uu asalkiisu yahay Pakistani ayaa lagu wadaa inuu kasoo mid noqdo xukuumada Solberg.

Venstre ayaan ilaa hada soo saarin go´aankaada ku aadan xukuumad kala mid noqoshada FRP, laakiin hadii ay go´aankaas gaaraan, waxey loo badinayaa in A. Raja uu noqdo wasiir, si gaar ah waxaa loo badinayaa in loo magacaabo wasiirka cadaalada. Wasiirka cadaalada Norway ee hada, Willy Amundsen ayaa loo badinayaa in laga qaado xilka wasiirnimo.

Raja ayaa intii uusan siyaasiga noqon ahaa qareen, isaga oo sidoo kale horey uga mid ahaan jiray gudiga masaajidka weyn ee Pakistaanta Oslo, kahor inta uusan 360 digree u wareegin xaga kale.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments