lørdag, april 27, 2024

Israel oo aad uga carootay tallaabo uu qaaday Midowga Afrika.

Israa’iil ayaa Sabtida maanta ah cambaareysay “sida ba’an” ee ergaygeeda looga saaray shir madaxeedka Midowga Afrika, iyadoo ku eedeysay dowladda cadawga weyn ay yihiin ee Iran in ay soo abaabushay tallaabadaas iyadoo gacan ka heleysa dalalka Aljeeriya iyo Koonfur Afrika.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ilaalada oo galbinaysa ku xigeenka agaasimaha guud ee Israa’iil u qaabilsan Afrika, Sharon Bar-li, oo ka soo baxay shirka Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa ku tilmaamay dhacdada mid “aad u daran”, isagoo xusay in Bar-li uu ahaa “goobjooge ka qeybgalkiisa la aqqoosan yahay, oo haysta calaamadda ka qeybgalka shirka”.

“Waa wax laga xumaado in la arko Midowga Midowga Afrika oo gacanta u galay tiro yar oo ka mid ah dowladaha xagjirka ah sida Aljeeriya iyo Koonfur Afrika, kuwaasi oo uu ku jiro naceyb, ayna maamusho Iran,” ayuu yiri afhayeenka.

Dawladaha Afrika waa in ay “ka hortagaan falalkan, kuwaasi oo dhaawacaya dhaqdhaqaaqa Midowga Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika,” ayuu yiri afhayeenku.

Midowga Afrika ayaan ka jawaabin mar AFP ay arrintan wax ka weydiisay.

Afhayeenka Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, Vincent Magwenya oo la weydiiyay eedda Israa’iil ee ah in Koonfur Afrika iyo Aljeeriya ay ka danbeysay in ergaygeeda laga ceyriyo shir madaxeedka ayaa u sheegay AFP, “Waa in ay caddeeyaan sheegashadooda.”

Israa’iil ayaa 2021-kii Midowga Afrika ka heshay maqaam goobjoogenimo ka dib tobanaan sano oo ay dadaal diblomaasiyadeed ku bixisay, tallaabadaasi oo ay ka soo horjeesteen dowlado awood leh oo ay ku jiraan Koonfur Afrika iyo Aljeeriya, kuwaasi oo ku dooday in taasi ay qarineyso bayaannada Midowga Afrika ee taageeraya Falastiiniyiinta.

Sannadkii hore, dood adag ayaa ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee goobjoognimada shir madaxeedka Midowga Afrika, iyadoo Falastiiniyiintu ay ku boorrriyeen in lagala laabto.

Shir madaxeedkii 2022-kii ayaa hakiyay dood ku saabsan in aqoonsiga lagala laabto Israa’iil iyo in kale, iyadoo la unkay guddi arrintan loo xilsaaray.

Muranka ayaa ka dhashay markii Moussa Faki Mahamat, oo ah madaxa Guddiga Midowga Afrika, uu aqbalay maqaamka goobjoognimada Israa’iil, taasi oo dhalisay khilaaf naadir ah oo ka dhex dillaacay hay’addan qiimeysa is afgarad wadajir ah.

Midowga Afrika ma uusan sheegin haddii ajandaha sanadkan ay ku jirto in dood laga yeesho maqaamka Israa’iil ee ka qeybgalka shir madaxeedka Midowga Afrika.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x