torsdag, april 18, 2024

Nin soomaali ah oo lagu dilay caasimadda Denmark.

Sida ay xaqiijiyeen booliska magaaladda caasimadda ah ee denmark, waxaa habeen hore magaaladda Copenhagen lagu dilay nin soomaali ah oo dilkiisa loo adeegsaday mindi.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Rabiile Shire Xuseen, waxeyna Saraakiisha Booliska sheeeen in ay laba qof u soo xireen kiiskan dilka ah.

Liibaan Shire Xuseen oo la dhashay marxuumka ayaa laanta afka soomaaliga ee idaacadda VOA u sheegay in walaalkii uu deganaa Magaalada Odense, markii la dilayayna uu Caasimadda Copenhagen ku booqanayay qeybo kamid ah xubnaha qoyskiisa oo magaaladaas degan.

“Rabiile da’diisu waxay ahayd 48 sano, wuxuu deganaa magaalo la yiraahdo Odense, wuxuuna ku geeriyooday magaalada caasimadda ah ee Copenhagen.” Ayuu yiri Liibaan Shire oo VOA la hadlay.

Liibaan Shire ayaa sheegay inaanay garanayn sababta ka dambeysa dilka walaalkii, balse ay boolisku xaqiijiyeen in ay laba nin u soo xireen falkaasi.

“Illaa hadda annaga ma ogin sababta loo dilay, laakiin booliska siday xaqiijiyeen, waxay sheegeen in ay laba nin kiiskaasi u soo xireen, maadaama ninkani mindi la geliyay, annagana sida aan naqaano dadkan caddaanka mindi ma isticmaalaan, oo Soomaalidaa isticmaasho, sida aniga aan ku tuhmayo in ay Soomaali yihiin.” Ayuu yiri Liibaan Shire.

Liibaan Shire ayaa intaa ku daray “Marxuumka hadda meydkiisu wuxuu yaallaa Isbitaalka Kaiser, waa Isbitaalka Weyn ee Copenhagen, berri wixii ka dambeeyo ayaana la fasixi doonnaa, oo annagana aan arki doonnaa, hadduu Ilaahay yiraahdo.”

Ma cadda cidda dhabta ah ee ka dambeyso dilkaasi, waxaase la fahamsan yahay in dilalka Soomaalida dhexdooda ah ay intii muddo ahba ku soo badanayeen dalalka woqooyiga Yurub.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x