tirsdag, november 26, 2024
Home Blog Page 16

Ma heshay kaarka doorashada: Macluumaadkan ayuu xambaarsanyahay.

Maanta dad badan ayaa waxaa qaab digital ahaan ah ugu soo dhacay kaarka doorashada oo ay kaga codeyn karaan doorashada goleyaasha deegaanka ee dalkan Norway ka dhici doonto 11-ka bisha September.

Kaarka doorashada waxa uu cadeynayaa inaad  xaq u leedahay ka qeybqaadashada doorashada aadna codkaada dhiiban karto. Waxa kaarka aqoonsiga ku qoran macuumaadka la xiriira seejadda codbixin ee codkaaga ka dhiiban karto,  iyo xiliga aad codeyn karto.

Waa muhiim inaad xusuusnaato in kaarka doorashadu uusan aheyn aqoonsi, umana baahnid inaad soo qaadato kaarka doorashada si aad codkaada u dhiibato.

Kaarka doorashada waxa qaab digital ahaan ah loogu soo diri doonaa sanduuqa boostada ee digitalka ah ee altinn-kaaga. Hadii iska xayirtay helitaanka boosooyinka dowliga ah ee digitalka ah, ama aadan adeegsan adeega aqoonsiga digitalka ah 18-kii bilood ee ugu danbeeyay, waxa aad heli doontaa kaar doorashada oo waraaqad ah.

Hadaba yaa codeyn karo ama ka qeybqaadan karo doorashada goleyaasha deegaanka Norway:

  • Waxaa codeyn kara Muwaadin walbe oo Norwiiji ah jira 18 sano ama da’ da 18 sano gaari doono  inta lagu gudo jiro sanadka 2023, kaas oo kunool Norway, ama ka diiwaangashan oo adress ku ah Norway.
  • Waxaa sidoo kale codkooda ka dhiiban karo doorashada goleyaasha deegaanka Norwau, Muwaadiniinta u dhashay dalalka Denmark, Finland, Iceland, Sverige ee buuxiyay da\ da 18-ka sano , kuwaas oo ka diiwaangashan inay ku noolyihiin Norway ugu danbeyn 30-ka bisha Juun ee sanadkan 2023.
  • Sidoo kalenw waxa codkooda ka dhiiban karo doorashada, dadka aan heysan dhalashada Norway ee buuxiyay 18-ka sano ama sanadkan buuxin doono 18 sano, ee sadexdii sano ee ka horeeyay maalinta doorashada ku noolaa dalkan Norway sifo sharci ah.

Waxaa muhiim ah in marka aad codkaada  dhiibaneyso, ama aad ku socoto goob codbixin aad soo qaadato aqoonsi leh sawirkaaga iyo magacaaga, kaas muujinayo qofka aad tahay. Waxa uu tusaale ahaan aqoonsiga noqon kara baasaboor, kaarka aqoonsiga qaranka ee Nasjonjalt ID-ka, leysinka baabuurka ama kaar banki oo leh sawirkaaga iyo magacaagada oo sadexan.

Hadii aadan helin kaarka doorashada, ama aad shaki ka qabto inaad xaq u leedahay ka qeybqaadashada doorashada, waxa aad la xiriiri kartaa degmadda aad degantahay ..

Waxa aad sidoo kale la xiriiri kartaa mid kamid ah shaqaalaha doorashada, hadii aad su aal qabto ama aad u baahantahay in lagaa caawiyo sidii aad codkaada u dhiiban laheyd. Shaqaalaha doorashada waxaa saaran waajibka sir-qarinta, macluumaadkaagana lama wadaagi karaan qof kale.

Halkan ka akhri macluumaadka la xiriira kaarka doorashada.

Macluumaad muhiim ah oo ku saabsan doorashada goleyaasha deegaanka Norway.

Afartii sanaba mar ayay dhacaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka dalkan Norway,  waxa aana dooranaa shaqsiyaadka nagu matala fagaarayaasha siyaasadeed ee heer deegaan iyo mid gobol.

Doorashada golaha deegaanku waa mid aad u muhiim ah, oo dadka oo dhan lagu boorinayo inay ka qeybqaataan, maadaama Golaha deegaanku uu yahay meesha lagu go aamiyo arrimo badan oo aasaasi iyo muhiim u ah nolosheena maalinlaha ah, sida tusaale ahaan koritaanka caruurteena iyo  nolosha guud ee deegaanka iyo bulshada aan la noolnaheyba.

Waxaa halkaas lagu go aamiyaa siyaasadda la xiriirta caafimaadka iyo daryeelka bulshada sida isbitaaladda, goobaha dadka waayeelka lagu xanaaneeyo, xanaannada ubadka ee tusaale hey adda barnevenrka,, iskuuladda, dayactirka jidadka baabuurka iyo wadooyinka la maro, adeega gaadiidka dadweyne ee aan raacno, waxbarashada  hoose dhexe iyo mida sare, goobaha lagu caweeyo, kuwa loo nasasho dago iyo waxyaabo oo kale badan.

Qoraalkan kooban waxa aan idinkugu soo gudbin doonaa macluumaad la xiriira doorasha goleyaasha deegaanka:

Maalinta doorashadu ee rasmiga ah waa Isniin 11. sebtembar 2023. Balse degmooyin badan ayaa sidoo kale laga codeyn karaa maalinta axadda ah ee 10-ka bisha September. Linkiga hoose ayaad ka heli kartaa liiska degmooyinka aad codkaada labadda maalmood, hadii aad qabto su aal arrintaas ku saabsana waxa aad la xiriiri kartaa dowlada hoose ee degmadda aad rabto inaad codkaada ka dhiibato. 

Hadaba goormee ayaad codkaaga dhiiban kartaa:

Goobaha codbixinadda waxaa la furi doonaa 10-ka bisha August. Waxaadna awoodaa inaad degmo walba oo Norway ah ka codeyso, laga bilaabo tobanka(10) bisha August ee sanadkan 2023 ilaa laga gaaro Sideeda(8) bisha September.

Maalinta doorashada ee 11-ka September, waxa aad ka codeyn kartaa oo keli ah degmadda aad degantahay ama aad ka diiwaangashantahay inaad degeneyd ugu danbeyn sodonkii(30) Juun ee sanadka 2023.

Hadii aadan codkaada dhiiban karin ama aad dalka ka maqantahay maalinta doorashada iyo maalmaha ka horeeyo ee ay furanyihiin goobaha codbixinta, waxa aad awoodaa inaad codkaada si hordhac ah usii dhiibato laga bilaabo sadexda(3) bisha Luulyo ilaa laga gaaro sagaalka(9) bisha August.

Hadii aad rabto inaad codkaada si hordhac ah usii dhiibato, kahor inta aan la gaarin tobanka august, waxaad la xiriiri kartaa degmadda aad rabto inaad ka codeyso. Degmooyinka qaarkood waxa ay bixiyaan fursad codbixin xiliyada caadiga ah ee degmadu ay shaqeyso, halka kuwa qaarkood ay shardi kaaga dhigayaan inaad balan kasii qabsato.

Hadii aad ku sugantahay dalka dibadiisa, waxa aad  heysataa fursad ah inaad codkaada ka dhiibato safaaraddaha iyo qunsuliyaddaha Norway ee dalalka dibadda ah. Waxa aad adiga oo ku sugan dalalka dibadda ah codkaada dhiiban kartaa mudadda u dhaxeyso sadex(3) Luulyo ilaa kowda(1) Bisha September.

Hadii aad tusaale ahaan ku sugantahay dalka Kenya, waxa aad ka codeyn kartaa safaaradda Norway ee Nairobi ama qunsuliyadda Mombassa. Hadii aad ku sugantahay Ethiopia waxa aad ka codeyn kartaa safaaradda Norway ee adiss abbaba. Linkiga hoose ka fiiri meesha ee kuugu dhow ee aad ka codeyn karto, hadii aad ku sugantahay dalka dibadiisa. Xusuusnow waxa muhiim ah inaad xaq u leedahay ka codeynta doorashada goleyaasha deegaanka Norway.

Safaaraduhu iyo qunsuliyadu waxa ay leeyihiin xiliyo iyo maalmo gaar ah oo laga codeeyo, hadii aad rabto inaad codkaaga ka dhiibato safaarad ama qunsuliyad dibadda ah, la xiriir goobtaas ama booqo bogagooda internetka.

Waxaa muhiim ah in marka aad codkaada  dhiibaneyso, ama aad ku socoto goob codbixin aad soo qaadato aqoonsi leh sawirkaaga iyo magacaaga, kaas muujinayo qofka aad tahay. Waxa uu tusaale ahaan aqoonsiga noqon kara baasaboor, kaarka aqoonsiga qaranka ee Nasjonjalt ID-ka, leysinka baabuurka ama kaar banki oo leh sawirkaaga iyo magacaagada oo sadexan.

Hadaba yaa codeyn karo ama ka qeybqaadan karo doorashada goleyaasha deegaanka Norway:

  • Waxaa codeyn kara Muwaadin walbe oo Norwiiji ah jira 18 sano ama da’ da 18 sano gaari doono  inta lagu gudo jiro sanadka 2023, kaas oo kunool Norway, ama ka diiwaangashan oo adress ku ah Norway.
  • Waxaa sidoo kale codkooda ka dhiiban karo doorashada goleyaasha deegaanka Norwau, Muwaadiniinta u dhashay dalalka Denmark, Finland, Iceland, Sverige ee buuxiyay da\ da 18-ka sano , kuwaas oo ka diiwaangashan inay ku noolyihiin Norway ugu danbeyn 30-ka bisha Juun ee sanadkan 2023.
  • Sidoo kalenw waxa codkooda ka dhiiban karo doorashada, dadka aan heysan dhalashada Norway ee buuxiyay 18-ka sano ama sanadkan buuxin doono 18 sano, ee sadexdii sano ee ka horeeyay maalinta doorashada ku noolaa dalkan Norway sifo sharci ah.

Kaarka ama warqada doorashadu:  

In badan oo naga mid ah waxa ay helnay ama dhawaan heli doonaa kaarka doorashada.

 Kaarka doorashada waxa uu cadeynayaa inaad  xaq u leedahay ka qeybqaadashada doorashada aadna codkaada dhiiban karto. Waxa kaarka aqoonsiga ku qoran macuumaadka la xiriira seejadda codbixin ee codkaaga ka dhiiban karto,  iyo xiliga aad codeyn karto.

Waa muhiim inaad xusuusnaato in kaarka doorashadu uusan aheyn aqoonsi, uma baahnid inaad soo qaadato kaarka doorashada si aad codkaada u dhiibato.

Kaarka doorashada waxa qaab digital ahaan ah loogu soo diri doonaa sanduuqa boostada ee digitalka ah ee altinn-kaaga. Hadii iska xayirtay helitaanka boosooyinka dowliga ah ee digitalka ah, ama aadan adeegsan adeega aqoonsiga digitalka ah 18-kii bilood ee ugu danbeeyay, waxa aad heli doontaa kaar doorashada oo waraaqad ah.

Hadii aadan helin kaarka doorashada, ama aad shaki ka qabto inaad xaq u leedahay ka qeybqaadashada doorashada, waxa aad la xiriiri kartaa degmadda aad degantahay ..

Waxa aad sidoo kale la xiriiri kartaa mid kamid ah shaqaalaha doorashada, hadii aad su aal qabto ama aad u baahantahay in lagaa caawiyo sidii aad codkaada u dhiiban laheyd. Shaqaalaha doorashada waxaa saaran waajibka sir-qarinta, macluumaadkaagana lama wadaagi karaan qof kale.

Hadii ay jirto caqabad naafo ahaaneed oo jirka ama maskaxda ah, oo kaa horistaageyso inaad codkaaga si iskaa ah u dhiibato,  isla markaana aad u baahantahay in lagaa caawiyo sidii aad codkaaga u dhiiban laheyd, waxa aad sidoo kale la xiriiri kartaa shaqaalaha doorashada. Waxaad xaq u leedahay in lagaa caawiyo sidii aad codkaaga u dhiiban laheyd, adiga oo adeegsanayo shaqaalaha doorashada ama qof kale oo aad adigu dooratay.

Qoraalka danbe waxa aan ku sharixi doonaa qaabka aad u codeyn karto, ama aad codkaaga u dhiiban karto, marka aad tagto goobaha codbixinta.

Putin oo Soomaaliya iyo dalal kale sameeyay balan-qaad xoogan.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ballan-qaad cusub u sameeyay dalalka Afrika ee qeybta ka tahay Soomaaliya, xilli uu dalkaasi ka furmay shir u dhaxeeya Ruushka iyo Afrika.

Madaxweyne Putin ayaa u sheegay hoggaamiyayaasha iyo mas’uuliyiinta waddamada Afrika in Moscow ay siin doonto qamadi iib ah ama bilaash ah waddamada ugu baahida badan, si looga hortago hubanti la’aanta cuntada caalamiga ah ee ay sababtay diidmada Ruushka ee dhoofinta qamadiga Ukraine ee mara Badda Madow.

Putin oo ka hadlayay furitaanka shir-madaxeedka Afrika iyo Ruushka oo laba maalmood ka socda magaalada St. Petersburg ayaa yiri “Waxaan horay u sheegay in waddankeenu uu bedeli karo qamadiga Ukraine, labadaba ganacsi ahaan iyo deeqaha dalalka Afrika ee u baahan.”

Waxa uu hadalkiisa kusii daray “Waddankeenu wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu siiyo dawladaha iyo gobollada u baahan, gaar ahaan, gargaarka bini’aadantinimo.”

“Waxaan raadineynaa in aan si firfircoon uga qayb qaadano dhismaha nidaamka qaybinta kheyraadka. Waxaan sameyneynaa intii karaankeena ah si aan uga hortagno dhibaato cunto oo caalami ah.”

Laakiin, Aqalka Cad ayaa diiday sheegashada Putin ee ah inuu doonayo inuu xalliyo dhibaatada cunnada ee saamaysay waddamada ugu saboolsan adduunka.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Putin looga fadhiyo inuu madaxda Afrikaanka u sheego inuu sabab u yahay caqabadaha nololeed ee xilligaan wajahayaan.

“Waxaan rajeynayaa inuu u sheego, ‘Aniga ayaa sabab u ah sababta qiimaha cunnada uu u kacsan yahay. Aniga ayaa sabab u ah inaad dhibaatooyin badan kala kulmi doontaan gaajada, iyo helidda cunto iyo hadhuudh wadamadiina.’”

Guri la’ aan xoogan oo ka jirto magaaladda Oslo.

Magaaladda Oslo ee caasimadda Norway waxaa ka jirto guri la aantii ugu xooganeyd abid, taas oo sababtay kor u kac xoogan oo sicirka guryaha deegaanka ah ee la kireysto. Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay kumanaan ardey ah oo raba inay sanadkan jaamacado ama waxbarasho ka bilaabaan magaaladda, kana soo guuray magaalooyinka kale ee dalka.

Guri la aanta ka jirta magaaladda Oslo ayaa ah midii ugu darneyd abid, sida ay sheegeen shirkadaha dilaaleyda ah ee ka shaqeeya kireynta guryaha, waxeyna sheegeen in guri walba oo soo bandhigaan ay saacad gudaheed kusoo dalbanayaan tobonaan qof oo rajo ka qabo inay gurigaas kireystaan. Halka marka guryaha bandhiga(visning) loo sameynaya ay imaadaan tobanaan qof, taas oo dadka qaarkood ku qasabta inay dib uga noqdaan, maadaama ay waayeen meel ay istaagaan.

Guri la aanta ka jirto magaaladda Oslo, ayaa waxaa sabab u ah in sanadadii lasoo dhaafay ay yaraadeen tirada guryaha cusub ee laga dhisay magaaladda, dhanka kalena ay soo badanayaan tirada dadka usoo guurayo magaaladda, iyo waliba ardeyda waxbarashada u imaaneyso Oslo.

Goobta ugu weyn ee lagu bandhigo guryaha kirada ee finn.no ayaa waxaa ka muuqdo sicir barar xoogan kirada guryaha. Waxa uuna sicir-bararkan si xoogan uga muuqdaa xaafaddaha u dhow senterka magaaladda, waxaana guri labo(2) qol iyo fadhi ah lagu raadinayaa qiimo u dhaxeeya 19.000 kr ilaa 22.000 kr, halka markii hore lagu kireyn jiray 16.000 kr ilaa 18. 000 kr.

Dilaaleyda ayaa sheegeyso in marka la dhaafo bilaha xagaaga ee sanadk dugsiyeedka cusub ee waxbarashada, uu cadaadiska xoogan ee saaran suuqa kirada guryaha uu sidaan ka yaraan karo.

Dalxiisayaal badan oo Norway kusoo qul-qulayo: Sababtan awgeed.

Isbuucyadii ugu danbeeyay waxaa dalka Norway iyo dalalka kale ee Nordica kusoo qul-qulayo kumanaan dalxiisayaal ah oo xiliyadii hore u dalxiis tagi jirtay dalalka Koonfurta Yurub ee Faransiiska, Giriiga, Talyaaniga iyo Spain.

Sababta ugu weyn ee ka danbeyso korarka dalxiisayaasha kusoo qulqulayo Norway, ayaa ah kuleyl aad u daran oo isbuucyadan ka jira dalalka Koonfurta Yurub, kuleylkaas oo sababay in dad badan ay guryaha kasoo bixi waayaan. Kumanaan qof oo markii hore ku tala galsanaa inay u dalxiis tagaan xeebaha iyo jaziiraddaha Koonfurta Yurub, ayaa hada safarkoodii usoo badashay Norway iyo dalalka Nordica, maadaama ay cimiladu tahay mid kuleyl diiran ah oo qabow xigeen ah.

Kororka dalxiisayaasha ayaa aad looga dareemayaa magaalooyinka waaweyn iyo kuwa loo dalxiis-tago ee Norway. Sidoo kale waxaa aad kor ugu kacay sicirka hotelladda iyo tigidada diyaaradaha Norway, maadaama ay hotelladu ay buux-dhaafiyeen dalxiisayaal aan looga baran inay Norway.

Bishii June oo kali ah dadka degan hotellada Norway ayaa waxaa ku yimid kor u kac xoogan oo gaaraya 18%.

Arrin kale oo qeyb ka ah imaanshaha dalxiisayaasha ee Norway ayaa ah qiimi-jab ku dhacay lacagta Kr ee Norway, marka la barbardhigo Dollar iyo Euro.Taas oo qofkii wato lacag doolar ah sarif ahaan siineyso lacag dheeraad ah oo Norway.

Xigasho/kilde: Flere utlendinger på norske hoteller – kraftig hopp fra i fjor

Tirada ardeydii Norway uga imaan jirtay dalalka Yurub ka baxsan oo 80% hoos u dhacay.

Tirada ardeyda Norway waxbarashada uga soo doonan jiray dalalka ka baxsan qaaradda Yurub, ayaa waxaa sanadkan ku yimid hoos u dhac xoogan oo gaarayo 80%, kadib markii ay dowlada Norway codsatay in ardeydaas ay lacag iskuuladda iska bixiyaan. Waxbarashada ayaa bilaash u ahaan jirtay ardeyda ka timaada dalalka sadexaad ee dunida, ayna soo qaataan jaamacaddaha Norway.

Sanadkii hore ee 2022 waxaa Norway waxbarasho u imaaday 1533 ardey oo ka yimid dalalka ka baxsan dalalka Yurub. Balse sanadkan 2023 tiradaas ayaa is dhintay ku dhawaad 80%, maadaama ay jaamacaddaha Norway soo galeen 332 oo dalalka Yurub ka baxsan kasoo jeedo.

Sababta ugu weyn ee keentay hoos u dhacan aya ah in dowladu ay codsaday in ardeyda ajaaniibta ah ee Norway waxbarashada u timaada ay bixiyaan lacag, si loogu ogolaado inay jaamacaddaha Norway wax ka bartaan.

Xigasho/kilde: Nær 80 prosent av studentene forsvant.

Oslo: Tigidka bisha oo loo raqiisiyay caruurta iyo dhalinyarada.

Kaarka tigidka bilaha ah ee gaadiidka dadweynaha( Månedskort) ayaa qiimihiisa hoos loo dhigi doonaa, laga bilaabo kowda(1) bisha soo socoto ee August. Waxaana qiimaha tigidkan bilaha ah ee caruurta iyo dhalinyarada ay da’ doodu u dhaxeyso 6 ilaa 19 sano laga dhigi doonaa 299 kr.

Maamulaha shirkada gaadiidka dadweynaha Oslo ee Ruter, Bernt Reitan Jenssen, ayaa sheegay in inay qiimo-dhimistan u sameeyaan si caruur iyo dhalinyaro badan ay fursad ugu helaan inay ku socdaalaan gaadiidka dadweynaha.

Sirin Stav(MDG) oo ah hogaan arrimaha gaadiidka iyo wadooyinka ee maamulka magaaladda Oslo, ayaa dhankeeda sheegtay inay qiimo-dhimistan degmadda ay sameysay, iyada oo ujeedku uu yahay in dhaqaale ahaan la taakuleeyo waalidiinta heysta ilmaha, xili magaaladda Oslo iyo guud ahaan Norweyba ay ka jirto sicir barar xoogan.

Xigasho/kilde: Nå blir det billigere månedskort for barn og unge

Sweden: 6000 qof ayaa ilaa hada sanadkan laga ceshtay sharciga degenaanshaha.

Dowlada Sweden ayaa bishii Desember ee sanadkii 2022 wakaaladda socdaalka dalkaas ku wargalisay inay dar-dar galiso, xoogna saarto kiisaska la xiriira kala noqoshada sharciga degenaanshaha ee dadka la tuhmayo inay sameeyeen sabab ay ku muteysan karaan in sharciga laga celiyo.

Tirokoob ay hey addaas soo saartay ayaa lagu sheegay in lixdii(6) bilood ee ugu horeeyay sanadkan, ay wakaaladda socdaalka sharciyada degenaanshaha iyo midka kumeel gaarka ah ka celisay ilaa 6000 qof. Tiradan ayaa sadex(3) laab ka badan tirada dadkii ay wakaaladda socdaalku sharciyada ka celisay lixdii(6) bilood ee ugu horeeyay sanadkii 2022.

Madaxa hey adda socdaalka ayaa sheegay in korarka tirada dadka ay sharciyada ka celiyeen, ay tahay mid waafaqsan dalabkii ay dowladu usoo gudbisay hey addan ee ku saabsanaa dar-dar galinta sharci ka celinta dadka la tuhmayo inay jiraan sababo ay ku waayaan sharciga.

Sharci deggenaansho ee joogto ah waxaa dib loola laaban karaa tusaale ahaan haddii uu qofka heystaa galay dembi culus Sweden, ama uu u guuray, isla markaana degey waddan kale. Marka laga hadleyo sharciyada deggenaansho ee ku meelgaarka ah waxaa iyagana lagula noqon karaa haddii uu qofku markii hore ee sharciga la siinayey uu ku heley warbixinno ulakac been abuur ah ama uu bixiyay macluumaad aan sax aheyn oo ku saabsan aqoonsigiisa shaqsiyeed iwm.

Tan iyo markii ay dalka Sweden la wareegtay xukuumadda cusub ee xisbiyada midigta, waxa uu isbadal xoogan ku yimid sharciga qoxootiga iyo magangalyada ee dalka Sweden.

Xigasho/kilde: Sveriges Radio

Dowlada Turkiga oo dalbatay in loo xiro ninkii gubay kitaabka quraanka

Dowlada dalka Turkiga ayaa dalbatay in la xiro, kadibna loo soo gacangaliyo Rasmus Paludan oo ah siyaasi heysta jinsiyada dalalka Sweden iyo Denmark, kaas oo ku caanbaxay gubitaanka kitaabka quduuska ee quraanka kariimka.

Paludan ayaa bishii January ee sanadkan kitaabka quraanka ah ku horgubay safaaradda dalka Turkiga ee Sweden. Waxeyna dowlada Turkiga ninkan ku eedeysay inuu meel fagaare ah ugu gafay qayimka diiniga ah ee bulsho dhan ay leedahay.

Maxkamad kutaal magaaladda Ankara ayaa waaran soo xiritaan ah u jartay Paluden, kadib baaritaano ay sameeyeen hey addaha danbi baarista Turkiga. Waxa ayna maxkamadu dalbatay in lasoo xiro, kadibna Turkiga loo soo gacangaliyo ninkan oo heysta dhalashada labadda dal ee Denmark iyo Sweden.

Gubitaaka quraanka ayaa sababay inay dibad-baxyo waaweyn ka dhacaan gudaha dalka Sweden iyo caalamka intiisa kaleba, taas ooo sidoo kale saameyn xoogan ku yeelatay codsigii ay dowlada Sweden rabtay inay kaga mid noqoto ururka Nato.

Xigasho/kilde: Tyrkia vil at Rasmus Paludan blir arrestert for brenning av Koranen

Gudoomiyihii Ookiyaalaha xaday oo xilkii isaga dagay ceebow dartiis.

Bjørnar Moxnes oo ahaa gudoomiyaha xisbiga Rødt, ahna xubin katirsan baarlamaanka Norway, ayaa maanta isaga dagay xilkii gudoomiye ee xisbiga Rødt, kadib markii ay soo shaac-baxday fadeexadii dooda badan dhalisay ee Bjørnar uu dukaan kuyaal Airportka Oslo uga xaday ookiyaale. Halkan kasii akhri.

Bjørnar oo xisbiga Rødt hogaaminayay 11-kii sano ee ugu danbeeyay, ayaa qirtay inuu sameeya labo qalad oo markii ay isbiirsadeen ay ka dhalatay hadalheyn weyn oo saameyn kartay siyaasadda iyo xubnaha kale ee xisbiga. Marka koowaad waxa uu xatooyo aan la dafiri karin ka sameeyay dukaanka, isaga oo xaday ookiyaale uu qiimihiisu yahay 1199 kr, kadibna waxa uu si aan fiicneyn uga howlgalay markii ay soo baxday fadeexad arrintaas la xiriirto.

Qalad weyn ayaan sameeyay, waxaase qaladkaas kasii darnaa, kana xumaa qaabkii aan u wajanahy markii ay soo baxday. Aad ayaan uga xumahay arrintaas ayuu sheegay Bjørnar oo waraaq dheer kusoo qoray bogiisa Facebooga.

Sababta iscasilaadiisa ayaa ku sheegay inuu rabo in qaladka uu isagu sameeyay, aysan saameyn dadka isaga ku dhow, iyo in xisbigiisa aysan dusha ka saarnaan eeda uu isagu shaqsi ahaan geystay, uuna booska u baneynayo si uu xisbigu siyaasadiisa horey ugu sii wato.

Marie Sneve Martinussen oo aheyd gudoomiye ku xigeenka xisbiga Rødt, ayaa hada sii heyn doonto xilka gudoomiye ee xisbiga.

Bjørnar ayaa ku biirayo liis dheer oo siyaasiyiin Norway caan ka ah, kuwaas oo bilihii ugu danbeeyay sababsaday, xilalkoodiina ku waayay qaladaad kala duwan oo ay sameeyeen.

Xigasho/kilde: Bjørnar Moxnes går av som Rødt-leder – sier han tok solbrillene

Wasiir kale oo katirsan xukuumadda Større oo qirtay inuu danbi galay.

Wasiirka waxbarashada sarre iyo cilmibaarista Norway, Ola Borten Moe ayaa qirtay inuu jabiyay sharciga u degsan wasiiradda iyo shaqaalaha dowlada, kadib markii uu iibsaday saamiga shirkadda Kongsberg Gruppen oo ah shirkad ay dowladu qeyb weyn saamiyadeeda leedahay.

Wasiirka ayaa bishii January ka qeybgalay shirka golaha wasiiradda, shirkaas oo looga hadlayay heshiis la siinayo shirkadda Nammo ee soo saarta rasaasta qoryaha waaweyn ee taangiyadda iyo hubka noocyadiisa kala duwan. Wasiirka ayaa isbuuc kahor maalinta uu shirkaas dhacayo 400.000 ku iibsaday saamiga shirkadda Kongsberg gruppen oo 25% iska leh saamiyadda shirkada Nammo.

Ole Borten Moe oo katirsan xisbiga Sp ayaa qirtay inuu jabiyay sharciga ay dowlada u dajisay iibsiga saamiyadda shirkaddaha, iyo adeegsiga xogaha lagu soo bandhigo xafiisyadda dowlada. Waxa uuna qirtay in arrintan ay tahay mid weyn oo fadeexo ah.

Wasiirka oo markii hore diidanaa inuu xilka ka dego, ayaa hada sheegay inuu isaga dagi doono xilka wasiirnimo, waxa uuna raali-galin ka bixiyay qaladka uu sameeyay.

Økokrim oo ah hey adda booliska Norway u qaabilsan dabagalka danbiyadda la xiriira dhaqaalaha ayaa sheegtay inay baari doonto kiiskan.

1165 qof oo lixdii(6) bilood ee ugu horeeyay sanadkan laga tarxiilay Norway.

Sida ay shaaciyeen booliska Norway, unugooda qaabilsan arrimaha ajaaniibta ee PU, dhowrkii bilood ee ugu horeeyay sanadkan, waxaa Norway laga musaafuriyay 1165 qof oo Norway qaabab kala duwan oo sharci ah ku joogay ama kusoo galay.

Tiradan ayaa 168 ka badan tiradii dadkii Norway laga tarxiilay lixdii bilood ee ugu horeeyay sanadkii lasoo dhaafay ee 2022.

Dadka la tarxiilay waxaa kamid ah 324 qof oo lagu xukumay xukuno kala duwan oo la xiriira falal-danbiyeedyo ama jabinta sharciga Norway.

Norway ayaa dadka ugu badan u musaafurisay dalka Sweden, Poland, UK, Germany, Spain, Ruushiya iyo denmark.

Nin qoxooti ah oo haaf-milyan kr oo qalad looga qaaday dib uga heshay waaxda canshuuraha.

Nin qoxooti ah ayaa waaxda canshuuraha dalkan Norway ee Skatte-etaten dib uga helay 495.00 kr oo si qalad ah looga qaaday, xili uu dalkan sharci la aan ku ahaa. Ninkan aya waxaa canshuur buuxdo laga qaadi jiray mudadii u dhaxeysay sanadkii 2003 ilaa 2016, isaga oo aan heysan xuquuq buuxdo oo lamid ah kuwa dadka kale.

Bishii Janaayo ee sanadkan ayaa waxaa waaxda canshuuraha dalkan Norway loo gudbiyay dalab ah inay dib lacag canshuur ah oo laga qaadi jiray ugu soo celiyaan 140 qof oo qoxooti ah, kuwaas oo dalkan aan ku heysan sharci. Balse heystay warqada ogolaanshaha shaqada. Waaxda canshuuraha ayaa dadkan ka qaadi jirtay canshuur buuxdo oo lamid ah canshuurta ay bixiyaan dadka sharciga ku leh Norway( ama u dhashay dalka), inkasta oo aysan heli jirin xuquuqaha iyo kaalmooyinka dhaqaale ee ay xaqa u leeyihiin dadka kale, maadaama aysan dalka sharci ku heysan.

Waxaa hada laga soo jawaabay kiiskii ugu horeyay ee katirsan kooxdan dalabka u gudbisay waaxda canshuuraha ee Norway. Waxaana nin qoxooti ah loo soo celiyay lacag gaareyso 495.000 kr oo aheyd canshuur dheeraad ah oo laga qaadi jiray mudo 13 sano ah, isaga oo aan dalkan ku laheyn wax sharci ah.

Canshuurta laga qaado qof ka shaqeeyo Norway, ayaa waxa ay ka koobantahay dhowr qeybood oo loo kala diro dhowr sanduuq oo kala duwan. Mid waxaa qaato dowlada hoose ee deegaanka uu qofku deganyahay, mid waxaa qaata dowlada dhexe, midna waxaa lagu ridaa sanduuqa kaalmadda dadweynaha ee ah kan ay lacagaha kaalmadda ah ka helaan dadka shaqada ka dhamaatay, kuwa ceyrta qaata iwm.

Qofkii aan sharci ku laheyn Norway, balse heysta warqada shaqada, xaq uma lahan inuu kamid noqdo sanduuqa kaalmadda dadweynaha, sidaas darteed ayay kooxdan qoxootiga ah dowlada siin jireen canshuur aysan xuquuq ku helin.

Hey adda Noas ayaa sheegtay inay jiraan ilaa 3000 qof oo kiiskan uu saameyn ku yeelan doono, hadii go aan kama dambeys ah laga gaaro, ayna dowladu qirato inay dadkaas lacag canshuur dheeraad ah ka qaati jirtay.

Xigasho/kilde; Flyktning betalte en halv million for mye i trygdeavgift – nå får han tilbakebetalt.

Daawo: Soomaalida Norway oo gurmad iyo lacag uruurin u bilaabay suuqii gubtay ee Jigjiga

Soomaalida Norway oo gurmad iyo lacag uruurin u bilowday dadkii ku hanti-beelay suuqii gubtay ee Jigjiga. Hawsha Gurmadka jigjiga waxaa qeyb ah: Jaaliyaddaha kala duwan ee Soomaalida Norway, masaajidka Tawfiiq, Gudiga gurmadka musiibooyinka Norway, Maraakiista magaalooyinka Norway iyo ganacsatada soomaaliyeed.
Wixii faahfaahin kala xiriir gudiga isku xirka gurmadka Jigjiga
Nacfsi: 94464469, Zakariye: 96991334

Bergen: Labo(2) Taksiile oo isku gacan-qaaday, kadib isqabsi ka dhashay safka tagaasida.

Sida ay soo wariyeen booliska magaaladda Bergen, labo(2) tagsiile oo kamid ah tagaasileyda magaaladda Bergen, ayaa xaley isku gacanqaaday xili ay ku jireen shaqada, kadib markii ay isku qabsadeen in midkood uu si khiyaano ah ku dhex galay safka tagaasida, uuna ka hormaray kan kale oo ka horeeyay.

Macaamiilka tagaasidan ayaa booliska la xiriiray xalay saqdii dhexe, waxa ayna ku wargaliyeen labo tagaasiley ah oo murmaya, murankaas oo meel dheer laga maqlayay, waxeyna kadib intaas bilaabeen inay isku gacan-qaadaan( is-riix-riixaan). Midkood ayaa lasoo wariyay in kan kale oo ku qabtay qoor-sagaaro( ceejin gacmeed).

Booliska ayaa xaqiijiyay in labadda tagaasileyda ah oo ku dhaxeeyay tartan adag oo suuqa shaqada ah. Waxaana xanaaq uu ka dhashay in midkood uu si xowli ah kusoo galay safka tagaasida, uuna qaab khiyaano ah uga hormaray tagsiilihii kale ee tartanka uu kala dhaxeeyay.

Booliska oo goobta soo gaaray ayaa ceyriyay mid kamid ah tagaasileyda, halka kan kalena uu si iskiis ah goobta uga tagay.

Xigasho/kilde: Taxisjåfører i basketak i Bergen: – To arge konkurrenter

Xuquuqda ilmaha ee la xiriira guuritaanka ama rarka dibadda ah.

Mas’uuliyadda waalidku waa xaq iyo waajib waalidiintu inay go’aan ka gaaraan ilmaha arrimaha gaarka ah. Waxaa jira sharciyo gaar ah oo ku jira sharciga carruurta xaaladaha ay waalidiinta iyo carruurtu qorsheynayaan inay ka guuraan ama u dhoofaan waddanka. Xeerka carruurta ee u guurista iyo u safrida dibadda ee carruurta waxa lagu dejiyey §§ 40 iyo 41.

Waalidka leh mas’uuliyadda waalidnimo oo keliya ayaa go’aansan kara inuu ka guuro waddanka. Waalidkan ayaa sidoo kale go’aamin kara marka ay timaado safarrada dibadda. Marka laga hadlayo mas’uuliyadda wadajirka ah ee waalidka, labaduba waa inay ogolaadaan, xaaladahan oo kale waalid kastaa wuxuu u qaadi karaa oo kaliya ubadka safar gaaban oo dibadda ah ogolaansho la’aan. Xeerka Carruurta waxa wax laga beddelay 1 Luulyo 2018, si hadda loo cayimay in oggolaanshaha sidoo kale la heli karo marka la kordhiyo ama la beddelo joogida lagu heshiiyey, oo ay ku jirto meesha ilmaha looga tagey. Isbeddelkani waxa uu ka hortagi karaa isku dhacyada iyo khilaafka waalidka ee dalalka oo dhan, waxana uu gacan ka geysan karaa ka hortagga afduubka carruurta.

Sida ku cad qodobka 40-aad ee sharciga carruurta, farqadiisa labaad, waa inaan ilmaha laga rarin dalka marka waalidku isku khilaafaan mas’uuliyadda waalidnimo, ka guurista ubadka dalka ka baxsan ama degenaanshaha rasmiga ah. Sida uu qabo sharciga carruurta, waxaa sidoo kale jira shuruudo ogolaansho laga helayo carruurta ka weyn 12 sano si ay awood ugu yeeshaan inay dalka ka guuraan, u degaan meel ka baxsan waddanka ama u safraan dibadda – marka ay taasi dhacdo iyada oo aan la helin waalid leh mas’uuliyadda waalidnimo.

Carruurta ay da’doodu ka weyn tahay 12 sano ma loo diri karo dibadda keligood, ama iyaga iyo qof aan mas’uul ka ahayn waalidnimo dibadda loo diri karaa. Waalidiintu waxay xaq u leeyihiin inay maxkamadda horkeenaan dacwooyinka ku saabsan sidii ay ilmaha ugala guuri lahaayeen waddanka. Tani waxay daba socotaa qaybta 56 ee sharciga carruurta.

Xigasho/kilde: Barn som flytter eller reiser utenlands

Dowlada oo rabtay guurka dhexmara lamaaha isku ah ilma adeerka ah.

Wasaaradda caruurta iyo qoyska Norway ayaa kowdii(1) bishan Luulyo gudbisay hindise sharciyeed wax looga badalayo xeerka guurka ee dalkan Norway, laguna mamnuucayo guurka dhexmara labadda lamaane ee ilmo adeerka koowaad ah. Diristan ayaa jawaab u ah dalab uu baarlamaanka Norway horey ugu soo gudbiyay dowlada, kuna saabsanaa in wax kabadal lagu sameeyo sharciga guurka ee Norway.

Dowlada ayaa sheegtay in ujeedka ama hadafka loo soo bandhigay hindise sharciyeedkan cusub uu yahay in laga hortago halista caafimaad ee ku imaan karto ilmaha ay iska dhaleen labo(2) qof oo ilmo adeer koowaad ah.

Wasaaradda qoyska iyo dhalaanka ayaa sidoo kale rabta in sharciga lagu mamnuucayo guurka lamaanaha ilmo adeerka ah, uu sidoo kalena khuseeyo guurka dhexmara gabar iyo adeerkeed, ama wiil iyo eedadiis oo saameyn ahaan dhanka caafimaadka ilmaha uu halistiisu le egtahay guurka dhex mara dadka lamaanaha ilmo adeerka ah.

Waxyaabaha ay dowladu soo jeedisay ee sharcigan cusub qeybta ka ah, ayaa waxaa kujiro qodob mamnuucayo in la sharciyeeyo(aqoonsado) guurka dalka dibadiisa ka dhaca ee dhexmara labadda qof ee ilma adeerka ah ee midkood ama labadooduba(2) ay Norway xiriir la leeyihiin. Tusaale ahaan hadii qof Norway kunool uu dalka dibadiisa aado, soona guursado ina adeertii/adeerkeed, in qofkaas loo diido sharciyeynta guurkaas ee Norway.

Sharcigan ayaa waxaa hada loo direy dhageysi iyo ra´yi uruurin socon doonto ilaa 27-ka bisha September.

Xigasho/kilde: Høring: forslag til forbud mot søskenbarnekteskap mv..

Stavanger: Ilmo hal(1) sano jir ah oo daaqad ka dhacay & aabaha oo la dacweeyay.

Sida uu qoray wargeyska Stavanger Aftenblad, ilmo hal sano(1) jir ah ayaa kasoo dhacay daaqada guri kuyaalo mid kamid ah xaafaddaha magaaladda Stavanger. Aabaha ilmahan dhalay ayaana ku eedeysan inuu jabiyay qodobka waajibka caawinta ee Hjelpeplikten, kadib markii uu booliska ama hey addaha caafimaadka kusoo wargalin waayay dhacdadan.

Dhacdadan ayaa dhacday Talaadadii isbuucan, sida uu qoray wargeyska SAF. Ilmaha ayaa kasoo dhacay dabaq afar mitir ka sareeyo dhulka, waxa uuna ku dul dhacay daaqada baabuur jidka yaalay.

Sida uu wargeysku qoray, ilmaha yar ee daaqada kasoo dhacay, ayaa ka badbaaday dhaawacyo waaweyn, marka laga reebo calaamado kooban. Balse booliska ayaa sheegay ineysan wali helin warbixinta caafimaad ee dhameystiran ee kiiskan, sidaas darteed aysan xaqiijin karin dhaawaca ilmaha gaaray iyo xajmigiisa.

Waxaan kuu xaqiijin karaa in boolisku ay ka shaqeynayaan kiis ku saabsan ilmo yar oo daaqad guri kasoo dhacay. Waxaa nala la soo xiriiriray oo arrinta nala soo gaarsiiyay saacado dhowr ah kadib markii ay dhacdadan dhacday. Waxaa sidaas wargeyska Stavanger Aftenblad u sheegay Tørkel Tjørhom oo kamid ah xeer ilaalinta booliska, kiiskana masuul ka ah.

Aabaha dhalay ilmahan ayay boolisku sheegeen inuusan kiiskan kusoo wargalin laamaha caafimaadka, sidaas darteed waxaa laga gudbiyay dacwad ah inuu jabiyay qodobka caawinta waajibka ah ee Hjelpeplikten.

Xigasho/kilde: Ett år gammelt barn falt fire meter fra vindu i Stavanger

Daraasad: Norway meelaha ugu adag aduunka ee qof ajnabi ah ka shaqeeyo.

Norway ayaa daraasad iyo cilmibaaris la sameeyay lagu sheegay inay tahay mid kamid ah meelaha ugu adag aduunka ee qof ajnabi ah uu ka shaqeeyo. Cilmibaarista oo lagu saleeyay xog-uruurin laga sameeyay 12.000 qof oo qurbo-joog ah ah oo ka shaqeeyo 53 dal oo caalamka ah, ayay Norway waxa ay noqotay meel maciishadu iyo noloshu qaali tahay, ayna adag tahay in saaxiibo laga sameysto, dhaqanka Norway la dhexgalo oo la fahmo.

Norway ayaa oo horey ugu jirtay booska 34.aad ayaa sanadkan gashay booska 52.aad ee 53-da dal ee cilmibaarista laga sameeyay. Dalka booska ugu danbeeyo ee 53.aad galay ee loo codeeyay inuu yahay dalka ugu adag ee qof ajnabi ah uu ka shaqeeyo, ayaa ah dalka Kuweit.

Waxyaaba ugu badan ee dadka ajaaniibta ah ee Norway ka shaqeeyo ay ka dhib-sheegteen ayaa waxaa kamid ah, in dhaqaalaha soo galo qofka Norway ka shaqeeyo uu yahay mid aan wanaagsaneyn, marka lagu jaangooyo heerka sicirka nolosha iyo maciishada. Waxa ay ajaaniibta la wareystay sheegeen in xitaa haduu uu dhaqaale fiican kusoo galo, ay adag inaad nolol qurxoon ku noolaato.

Waxyaabaha kale ajaaniibtu ay ka cowdeen ayaa waxaa kamid ah inay adag tahay in qofka ajnabiga ah ee ka shaqeeyo Norway, ay ku adag tahay inuu saaxiibo yeesho, in Norwiijiyaanku aysan soo dhaweyn, una furfurneyn ajaaniibta, iyo dhaqanka Norway oo adagtahay in qof dibadda ka yimid uu si fudud ku dhexgalo.

Xigasho/kilde: https://cms.in-cdn.net/cdn/file/cms-media/public/2023-07/Expat-Insider-2023-Survey.pdf.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.