tirsdag, mars 11, 2025
Home Blog Page 17

Mangfold i politikken: Hvordan kan vi få flere med flerkulturell bakgrunn til å engasjere seg.

0

Mangfold i politikken: Hvordan kan vi få flere med flerkulturell bakgrunn til å engasjere seg.

Hatefulle ytringer og holdninger kan skremme folk fra å delta i samfunnet og bruke sin stemmerett. Hva gjør hets og hatefulle ytringer med engasjementet i politikken? Hva er konsekvensene for det flerkulturelle samfunnet?

Samtalen var arrangert av Rådet for flerkulturelle minoriteter i Oslo i samarbeid med Arendal InnvandrerrådNorSom News

Labo(2) maalin oo kali ah ayaa ka dhiman fursada codeynta hordhaca ah.

0

Isniinta, 11-ka bishan September waxaa dalkan Norway loo dareeri doonaa doorashooyinka golaha deegaanka oo afartii sanaba halmar la qabto. Balse goobaha codbixinta doorashada ayaa la furay tobankii(10) bishii august, waxaana dadka fursad loo siiyay inay codkooda dhiiban karaan ilaa laga gaaro sideeda(8) bisha September oo ah maalinta jimcaha ah.

Sababta fursadda doorashada ee hordhaca ah loo sameeyay, ayaa ah in dadka intii awooda ay codkooda sii dhiibtaan, si maalinta doorashada looga maarmo inay abuurmaan safaf dhaadheer iyo saxmad. Sidoo kale qofkii safar ku maqan ama aan awoodin inuu soo baxo maalinta doorashada ayaa fursad loo siiyay inay codkooda sii dhiibtaan.

Hadaba bulshada Soomaaliyeed ee raba inay si hordhac usii codeeyaan, waxaan ku wargalineynaa inay labo(2) maalmood oo kali ah ay naga xigto fursadda uu qofku ku dhiiban karo codka doorashada si hordhac, taas oo ku eg maalinta jimcaha.

Hadii aad haleeli weydo inaad codka si hordhac ah u dhiibatadda, waxaad codka bixin kartaa maalinta isniinta si kama dambeys ah, iyada oo goobaha codbixinta albaabadda loo laabi doono fiidnimadda isniinta.

Fariin noocan oo kale ah maka heshay hey adda doorashooyinka Norway.

Maalmihii ugu danbeeyay hey adda doorashooyinka Norway ee Valgdirektoratet ayaa fariimo qoraal ah u direysay dadweynaha Norway, fariintaas oo dadka lagu wargalinayay, laguna xusuusinayo ka qeybqaadashada doorashada golaha deegaanka Norway oo ay inaga xigaan maalmo kooban.

Fariintan ayaa waxaa ku qoran:

Hello, xusuuso maalinta doorashada ee 11-ka bisha September. Waxaad si hordhac ah u codeyn kartaa ilaa laga gaaro sideeda(8) bisha September. Dimuqraadiyadu waxa ay u baahantahay codkaada. 
Doorashada, Salaan ka timid hey adda doorashooyinka. 

Doorashada golaha deegaanku oo afartii sanaba halmar la qabto, ayaa ah mid muhiim ah oo lagu doorto goleyaasha deegaanka oo lagu go aamiyo arrimo masiiri u ah bulshada, sida iskuuladda, xarumaha xanaanadda caruurta iyo waayeelka, xarumaha dhaqanka, isbitaaladda iwm.

Xisbiga Høyre iyo Frp oo guul kasoo hoyay doorashada iskuuladda ee hordhaca ah.

0

Ardeyda dhigata ku dhawaad 400 iskuul oo kuyaal dalkan Norway ayaa Talaadadii shaley aheyd u codeeyay xisbiga ay jeclaan lahaayeen inuu maamulo goleyaasha deegaanka Norway. Xisbiyada Høyre iyo Frp ayaa guul weyn oo aan horey loo saadaalineyn kasoo hoyay doorashada iskuuladda ee sida hordhaca ah codkooda u dhiibtaan dhalinyarada iyo ardeyda.

Xisbiga Høyre oo helay codadka ugu badan ee ardeyda ayaa helay 21,9 %, halka xisbiga Frp oo ku xiga uu helay 19,5%. Xisbiga Ap oo ku guuleystay doorashadii hore ayaa dooorashadan ka helay 17%.

Doorashada iskuuladda oo sida caadiga ah la qabto isbuuc kahor doorashada goleyaasha deegaanka, ayaa inta badan noqoto jaantus looga cabir-qaato dareenka dadweynaha, laguna saadaalin karo cida ku guuleysan doonto doorashada weyn ee golaha deegaanka. Waxa ay inta badan saadaalishaa halka uu u socdo guuxa dadweynaha.

Isniinta soo socoto ee 11-ka bisha September waxaa guud ahaan dalkan Norway loo dareeri doonaa goobaha codbixinta, iyada oo la dooran doono goleyaasha deegaanka ee Norway maamuli doono afarta sano ee soo socdo.

Xigasho/kilde: Klart borgerlig flertall i skolevalget.

Dowlada oo lacagta «barnehage»-yaasha ka dhigi doonto 2000 kr ugu badnaan.

0

Sida uu maanta sheegay reysulwasaaraha dalkan Norway, Jonas Gahr Støre, dowlada ayaa raqiisin doonto lacagta ay bixiyaan waalidiinta ay ilmuhu u dhigtaan xarumaha xanaanadda ee Barnehage-yaasha loo yaqaano. Lacagta ugu badan ee waalidku ay ku bixin doonaa barnehage ayaa noqon doonto ugu badnaa 2000 kr, sida uu sheegay reysulwasaaraha.

Lacagta ugu badan ee waalidku ay xiligan ku bixiyaan xarumaha xanaadda ee barnehage ayaa ah 3000 kr, balse dowlada ayaa dhimi doonto 1000 kr. Sidoo kale deegaanadda qaarkood, ayaa la dhimi doonaa 1500 kr. Qiimo-dhimistan ayaa dhaqangali doonto laga bilaabo kowda(1) bisha August(8) ee sanadka 2023.

Dowlada ayaa horey u sameysay qiimi-dhimis la xiriirta lacagta ay waalidku ku bixiyaan xarumaha xanaanadda. Tusaale ahaan waalidka heysta sadex ilmood oo dhigta xarumaha xanaanadda, ilmaha sadexaad ayaa si bilaash ah(lacag la aan ah) ku dhigta xarunta xanaanadda, halka ilmaha labad ay waalidku helaan qiimo-dhimis dhan 30%.

Go aanka cusub ee dowlada ayaa ujeedka ugu weyn in waalidku uu ugu badnaa 3400 kr ku bixiyo xarumaha xanaanadda, iyada tirada ay doonto xarunta xanaanadda ha u dhigatee.

Xigasho/kilde: Regjeringen kutter barnehageprisen.

Canada: Labo(2) qof oo lagu dilay aroos soomaaliyeed.

0

Xafladda arooska oo ay lahaayeen qoys Soomaaliyeed ayaa ka dhacaysey magaalada Ottawa ee dalka Kanada, xaaladdu waxay ahayd jawi farxad ah, ilaa la gaarey markii la soo dhaweyn lahaa caruuska iyo caruusada oo sacabkii bilowdey, ayaa hal mar la maqley dhawaaqa rasaasta banaanka ka dhacaysa, sida ay goob joogayaal u sheegeen saxaafadda.

Booliska Kanada ayaa sheegay in habeenimadii Axaddu soo geleysey koox hubeysan ay weerar ku qaadeen Xarunta Shirarka Infinity ee Gibford Drive ee magaalada Ottawa, halkaas oo uu ka socdey xaflad aroos.

Sida Boolisku xaqiijiyeen waxaa isla goobtaas lagu diley labo ka mid ah dadkii arooska ka qaybgalay oo lagu kala magacaabi jiray Siciid Maxamed Cali oo 26 jir ahaa iyo Cabdishakuur Cabdi-Daahir oo 29 jir ahaa. Labaduba waxay ka yimaadeen magaalada Toronto. Lix qof oo kale ayaa ku dhaawacmey rasaasta kuwaas oo hadda lagu daaweynaayo Isbitaalka

Taliyaha Booliska Ottawa. Amy Bond ayaa ku tilmaantay toogashada mid naxdin leh, oo aan la aqbali karin. “Waxay dhib ku tahay bulshadeena oo dhan,” ayey tiri.

Amy Bond ayaa sheegtay in ilaa hadda baaritaanka dilka uusan ka soo bixin wax calaamad ah in toogashadu ay tahay mid cunsurinimo ku saleysan ama in dad gaar ah la bartilmaameedsaday. Madaxa bilayska Eric Stubbs ayaa u sheegay warbaahinta isaga oo jooga goobta fal-dembiyeedka galabnimadii Axadda in aanay jirin cid loo qabtay.

Qoyska Siciid Maxamed Cali u sheegeen saxaafadda in aysan garanayn dhib uu geystey ama in uu ahaa bartilmaameed, waxa uu ahaa nin wanaagsan oo shaqeysta ayey yiraahdeen, ma jirto cid ay ilaa hadda farta ku fiiqeen.

Waa mid kamid ah dilalkii ugu foosha xumaa ee ka dhacaa dalkaas iyada oo lagu jiro xaflad aroos in ay ku dhamaatey dhiig iy dhaawac.

Sweden: Rabshado xoogan oo ka dhashay kitaab quraan ah oo la gubay.

0

Saddex nin ayaa loo xiray mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay dalka Sweden ka dib markii dalkaasi mar kale lagu gubay kitaabka Qur’aanka.

Rabshadaha ayaa dhashay kadib markii nin asalalkiisu yahay oo u dhaq dhaqaaqa Islaam naceybka oo lagu magacaabo Salwaan Momika uu dab qabadsiiyay kitaabka Quraanka galabnimadii Axadda.

Booliska ayaa sheegay in ay xireen 10 qof oo ay ku eedeeyeen in ay khalkhal galiyeen xasiloonida guud ee magaalada Malmo.

Dhowr baabuur ayaa gubtay kadib markii dad ku dhow boqol qof ay isugu soo baxeen si ay uga jawaabaan gubista Quraanka.

Salwan Momika ayaa Qur’aan ku gubay gobolka Varnhemstorget oo ah aag ay Muslimiintu ku badan yihiin galabnimadii Axada. Waxa uu hore ugu gubay qur’aanka kariimka ah, mudaharaadyo is daba joog ah oo ka dhan ah diinta Islaamka, waxana falka uu ku kacay uu ka dhaliyey caro dublamaasiyadeed guud ahaan bariga dhexe.

Xigasho/kilde: BBC

Bergen: Kooxo Ereteriyaan ah oo isku gacan-qaaday magaaladda Bergen.

0

Sabtidii waxaa bartamahaa magaaladda Bergen ka dhacay isku dhacyo waaweyn oo sababay inay istaagaan isku socodka gaadiidka dadweyne ee ka dhex shaqeeyo gudaha magaaladda Bergen. Isku dhacyadan oo isku badalay gacan ka hadal rabshado wata, ayaa waxa uu dhexmaray kooxo kala duwan oo Ereteriyaan ah oo isku maandhaafsan siyaasadda dalka Ereteriya.

Kooxahana kala duwan ee isku dhacu uu dhexmaray ayaa kala ah: Koox taageersan nidaamka madaxweynaha mudadda dheer heystay xukunka Ereteriya ee Isaias Afewerki, iyo kooxo mucaarad ku ah. Waxa ayna rabsho noocan oo kale ah horey uga dhaceen dhowr dal oo Yurub ah.

Kooxda banaanbaxa soo abaabushay ee mucaaradka ah ayaa isku dayay inay baajiyaan kulan ay qabsan rabeen kooxda taageersan madaxweynaha dalkaas, kaas oo xus loogu sameynayay maalintii uu soo bilowday halganka lagu xoreeyay dalka Ereteriya oo markiisii hore qeyb ka ahaa dowlada Ethiopia. Kulan ayaa ugu danbeyn u dhacay sidii loo qorsheeyay, inkasta oo kooxda mucaaradka ah ay dadaal xoogan u gashay in la baajiyo, waxaana ilaalo xoogan ka hayay booliska.

Booliska magaaladda Bergen ayaa shaley si xoogan uga qeybqaatay kahortaga inay rabshadahan ku fidaan magaaladda, ayna geystaan khasaaro maaliyadeed ama nafeed. Waxaana la cadeeyay in hey adda sirdoonka dalkan Norway ee PST-du, ay booliska gacan ku siisay daminta iyo ka hortaga gacan dibax-baxa gacan ka hadalka isku badalay ee shaley ka dhacay Bergen.

Booliska Bergen ayaa dacwad kusoo oogay dhowr qof oo qaarkood lagu eedeeyay inay geysteen gacan-qaad, halka kuwo kalena ay dhagax ku tuureen booliska.

Reysulwasaaraha Norway oo ka hadlay arintan, ayaa ku tilmaamay in wax aan loo dulqaadan karin ay tahay in dhacdo noocan oo kale ah, ay ka dhacdo gudaha Norway.

Xigasho/kilde: Siste nytt om opptøyene i Bergen

Isbuuca danbe baaritaan xoogan oo adeegsiga suumanka ayaa jiri doono.

0

Hey adda gaadiidka iyo wado-marista Norway ee statens vegvensen ayaa isbuuca danbe guud ahaan dalka oo dhan ka sameyn doonto baaritaano lagu hubinayo in dadka saaran buss-aska gaadiidka dadweynaha ay xiranyihiin suunka baabuurka.

Hey adda ayaa sheegtay in qofkii lagu qabto isaga oo aan xirneyn suunka buss-ka, aysan muraamarsiiyo u noqon dooniN inuu ilaaway, ama uusan caado/dhaqan u laheyn adeegsiga suunka baabuurka. Waxeyna hey adda dhamaan dadweynaha ku boorineysaa adeegsiga suunka oo qofka ka badbaadin kara dhaawac xoogan, hadii uu shil gaari ku imaado.

Suunka busska waxa uu si fiican qofka ugu hayaa kursiga, si qofku uusan khatar ugu naftiisa ama dadka kale, wuxuuna yareeyaa khasaaraha qofka ku imaan kara ama uu geysan karo, hadii uu shil dhaco, ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay hey adda.

Xigasho/kilde: Storkontroll av beltebruk i buss neste uke.

Afar(4) qarax oo gilgilay magaalooyinka Sweden.

0

Afar qarax ayaa saacad gudaheed ruxay magaalooyin ku yaalla dalka Sweden, sida ay booliska sheegeen, ayada oo dalka uu la tacaalayo sare u kaca rabshadaha la xiriira burcadnimada.

Abaare 1:00 am, booliska magaalada Gothenburg ayaa helay warbixino ku saabsan laba qarax oo ka kala dhacay laba guri oo kala duwan, oo ay u dhaxeysay 10 daqiiqo.

“Labada goob-ba waa la xiray, waxaana socda baaritaano,” ayey booliska yiraahdeen ayaga oo intaas ku daray in khubarada bamka loogu yeeray goobta.

“Ma jiraan wax warbixino ah oo ku saabsan dad dhaawacmay, kaliya qalab ay waxyeello gaartay,” ayey yiraahdeen booliska.

Saacad kadib, laba qarax oo ay daqiiqado u dhaxeysay ayaa ka kala dhacay magaalada Norsborg ee duleedka koonfureed ee Stockholm iyo magaalada Nykoping, oo 100 km koonfur ka xigta caasimadda.

Labada kiisba, booliska waxay sheegeen in cidna aanay wax ku noqon. Dhammaan afarta qarax ayaa ka dhacay dhismooyin ay shacab degan yihiin.

Sweden ayaa sanadihii dhowaa la tacaaleysay inay xakameyso toogashooyinka iyo bambooyinka, ayada oo burcad uu ka dhaxeyo dagaal ganacsi daroogo ay kala aargudanayaan.

Hase yeeshee booliska Gothenburg ayaa AFP u sheegay inaan weli la go’aamin sababta ka dambeysay labad qarax ee ka dhacay magaalada.

Sanadkii 2022, Sweden waxaa ka dhacay 90 qarax, iyo 101 kiis oo isku day qaraxyo ama diyaarin ah, sida ay sheegeyso xogta booliska.

Sannadkan illaa 15-kii August, waxaa la diiwaan geliyey 109 qarax.

Booliska ayaa horey u sheegay in bambooyinka inta badan loo adeegsado in lagu cabsi geliyo bartilmaameedyada, halka toogashooyinka loo adeegsado in lagu dilo loogana takhaluso cadowga.

Dalka ayaa laga diiwaan geliyey 391 toogasho 2022, kuwaas oo 62 ka mid ah ay ahaayeen dhimasho, taasi oo 45 boqolkiiba ka sarreysa sanadkii ka horreeyey, sida ay ku warrameyso xogta booliska.

Xigasho(kilde: C.O

Dowlada Faransiiska oo «cabaayadda» ka mamnuuceyso goobaha waxbarashada.

0

Gabdhaha Muslimiinta ah ee wax ka barta Faransiiska ayaa laga mamnuucayaa xirashada cabaayadaha oo ah dhar waaweyn oo astur ah, waxaana la qorsheynayaa in laga mamnuuco dugsiyada ay maamusho dowladda Faransiiska, sida uu sheegay wasiirka waxbarashada.

Sharciga ayaa la qorsheynayaa in la dhaqan geliyo isla marka sanad dugsiyeedka cusub uu billowdo 4ta Sebtembar.

Faransiiska ayaa si adag uga mamnuucaya calamadaha diiniga ah dugsiyada dowladda iyo xarumaha dowladda intaba, iyaga oo ku doodaya in ay xadgudb ku tahay shuruucda cilmaaniga ah.

Xirashada xijaabka ayaa mamnuuc ka ahayd dugsiyada dowladda ay maamusho tan iyo 2004-kii.

«Markaad gasho fasalka, waa inaadan aqoonsan karin diinta ardayda adigoo eegaya kaliya,» Wasiirka waxbarashada Gabriel Attal ayaa u sheegay TV-ga Faransiiska ee TF1, isagoo raaciyay: «Waxaan go’aansaday in cabbaayadaha aan la gashan karin hadda xilliga waxbarashada iskuulka.»

Tallaabadan ayaa timid kadib dood bilo ah oo ku saabsan xirashada cabbaayadaha ee iskuullada Faransiiska.

Dharka noocani ah ayaa si aad ah ugu soo badanaya iskuullada, taas oo keentay kala qaybsanaan siyaasadeed oo iyaga ku saabsan, iyada oo xisbiyada garabka midig ay dabada ka riixayaan in la mamnuuco halka kuwa bidixda ay walaac ka muujiyeen xuquuqda haweenka iyo gabdhaha Muslimiinta ah.

«Cilmaaniyaddu waxay ka dhigan tahay xorriyadda lagu xorayn karo dugsiyada waxbarasho,» ayuu Mr Attal u sheegay TF1, isagoo ku dooday in cabbaayadda ay tahay «tilmaan diimeed.

Waxa uu sheegay in uu sharci cad oo heer qaran ka soo saari doono kahor inta aan dugsiyada la furin fasaxa xagaagan kadib.

Faransiiska ayaa dhaqan geliyey mamnuucid adag oo lagu soo rogay calamadaha diinta ee dugsiyada tan iyo qarnigii 19-aad, oo ay ku jiraan calaamadaha Masiixiyiinta sida , si loo xakameeyo saamaynta Katooliga ee waxbarashada dadweynaha.

Xigasho: BBC-SOMALI

FHI: Nooc cusub ah oo corona ah oo ay u badantahay inuu Norway wareegayo.

0

Hey adda caafimaadka bulshada Norway ee FHI ayaa sheegtay in loo badinayo in Norway uu soo gaaray, uuna wareegayo nooc cusub ah oo Corona ah, kaas oo dhawaan lagu arkay dalka Sweden.

Noocan cusub oo loogu magac daray BA. 2.86 ayay hey addu sheegtay inuu wax badan ka duwanyahay noocyadii hore ee feyruska Coronaha ee horey loo yaqaan. Balse uu waxyaabo badan kala simanyahay noocyadii hore ee korona ahaa.

Karoline Bragstad oo katirsan hey adda FHI ayaa sheegtay: Noocan cusubi wali sheybaar ahaan Norway laguna arkin, laakiin waxey u badantahay inuu soo gaaray Norway, uuna wareegayo. Waxaan sii wadi doonaan baaritaanadda aan wadno, si aan cadeyno in noocan cusub ee feyruska corona ah uu soo gaarsy Norway. Waxaana kasoo saari doonaan warbixin danbe, hadii noocas feyruska ah la cadeeyo inuu Norway soo gaaray.

FHI ayaa dhanka kale sheegtay in xiliga la filayo in dadweynaha Norway ay difaac fiican ka heystaan saameyn xoogan oo ka dhalata feyruskan cusub, sida xanuun xoogan ama dhimasho, balse ay tahay in marka hore la sameeyo baaritaano hordhac ah.

Xigasho/kilde: FHI: Sannsynlig at ny coronavariant er i omløp i Norge.

Norway oo diyaaraddaha F-16 siineyso dalka Ukraine

0

Sida ay qorayaan qaar kamid ah warbaahinta dalkan Norway, dowlada Norway ayaa dalka Ukraine u balanqaaday diyaaraddaha dagaalka ee F-16, xili uu reysulwasaaraha dalkan Norway booqasho ku joogay dalka Ukraine.

Norway ayaa ku biireyso dalal dhowr ah oo qaaradda Yurub kuyaal, kuwaas oo oo Ukraine u balanqaaday inay siinayaan diyaaraddaha dagaalka ee F-16. Horey dalalka Holland iyo Denmark ayaa u sheegay inay Diyaaradaha F-16 siin doonaan dalka dagaalka kula jira Ruushka ee Ukraine.

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Jonas Gahr Støre ayaa khamiistii isbuucii hore booqasho ku tagay dalka Ukraine, Waxa uu xaqiijiyay in dowladiisu ay mar kasta garab istaagantahay dowlada iyo shacabka Ukraine.

Xigasho/kilde:  Norge gir F-16-fly til Ukraina.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.