lørdag, april 27, 2024

Wargalin: Dugsiyada sarre(VGS) ee goboladda koonfurta Norway oo beri xiran.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Telemark, waxaa berito oo isniin ah xiran iskuuladda sarre(videregående) ee gobolka Telemark, sabab la xiriirta cimiladda oo la saadaalinayo inay noqon doonto mid daran. Waxaana maamulka gobolku uu sheegay inay adkaan karto in dadku iyo gaadiidka ay si caadi ah ugu socdaan jidadka magaalooyinka gobolkaas, maadaama la filayo inay noqdaan sabiibax(Glatt).

Inkasta oo iskuuladda sarre ee gobolka Telemark ay xiranyihiin, hadana ardeyda ayaa waxbarashada ku qaadan doono qaab digital ah, iyaga oo gurigooda jooga, sida uu sheegay maamulka gobolka.

Telemark ayaa noqonayo gobolkii shanaad ee go aamiyay in beri ay xirnaan doonaan dugsiyadda sarre. Waxaana go aankaas oo kale qaatay maamuladda goboladda Akershus, Østfold, Buskurud iyo Vestfold. Arrintaas oo ka dhigan in dhamaan ardeyda dhigata dugsiyadda sarre ee magaalooyinka kuyaal goboladaas ay berito oo isniin ah waxbarashada ku qaadan doonaan qaab online ah iyaga oo guryaha joogo.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x