Dowladda Norway, gaar ahaan Xisbiga Shaqaalaha (Ap), ayaa raba in la balaariyo nidaamka hurtigspor – hannaan degdeg ah oo sharciyeed oo loogu talagalay la tacaalidda dambiyada dhallinyarada. Qorshahan cusub ayaa la doonayaa in laga hirgeliyo guud ahaan dalka, si degdeg ahna loogu wajaho dambiyada ay galaan dhalinyarada da`adooda ka yar tahay 18 sano.
Waxay dowladda Norway u dirtay maamulka maxkamadaha (Domstoladministrasjonen) amaro cad si loo bilaabo qorshe balaaran oo lagu qiimeynayo in hurtigspor loo furo dhammaan gobollada dalka, iyadoo lagu saleynaayo guushii laga gaaray tijaabo lagu sameeyay gobolada Oslo, Østlandet iyo Agder.
“Waxaan rabnaa ficil degdeg ah. Dambiyada dhallinyarada waa dhibaato qaran. Waa in la yareeyaa waqtiga uu qaato nidaamka sharcigu, carruurtana si dhaqso ah loogu hago waddo toosan,” ayay tiri wasiirka cadaaladda oo la hadashay VG.
Qorshahan ayaa la filayaa inuu soo dadajiyo kiisaska maxkamadeenta ee da’yarta, iyadoo booliiska, xeer ilaalinta, barnevern-ka iyo maxkamaduhu si dhow u wada shaqeyn doonaan. Waxaa sidoo kale la qorsheynayaa xal dijital ah si hawshu u noqoto mid isku xiran oo hufan.
“Waxaa hadda socota daraasad rasmi ah oo ka timid Wasaaradda Caddaaladda si loo qiimeeyo nidaam wada shaqeyn dijital ah oo u dhexeeya dhammaan hay’adaha arrintan khuseeya.” regjeringen.no
Saddex arrimood oo muhiim u ah Soomaalida
Qorshahani wuxuu si gaar ah muhiim ugu yahay bulshooyinka laga tirada badan yahay, kuwaas oo la kulma caqabado badan marka ay timaado helitaanka cadaalad degdeg ah. Hurtigspor wuxuu keeni karaa:
- In dhallinyarada si degdeg ah looga badbaadiyo dambiyada
- In qoysaska soomaaliyeed ee helaan taageero sharci iyo bulsho
- In la yareeyo cadaalad darrada nidaamka maxkamadaha
Ilo xogeed la xaqiijiyay: