fredag, juli 18, 2025

Norway: English-ka oo noqon kara luuqadda koowaad ee iskuuladda qaar.

Dowladda Norway ayaa wada qorshe loogu fasaxayo in iskoolaadka dowliga ah qaarkood si joogto ah loogu dhigo oo ay maadooyinku ku baxaan luqadda Englishka. Waa isbeddel weyn oo ku imaan kara nidaamka waxbarashada ee dalka, waxaana go’aan kama dambeys ah la filayaa bilaha soo socdo.

Sida ay sheegtay xoghayaha Wasaaradda Waxbarashada, Synnøve Mjeldheim (Ap), waxaa socda qiimeyn ku saleysan tijaabo laga sameeyay iskoollo qaar ee magaalada Oslo. Waxay ku sheegtay farriin e-mail ah oo ay u dirtay warbaahinta NRK:

“Waxaan hadda qiimeyneynaa – oo ay ku jirto khibradda laga helay tijaabada Oslo – haddii xeerarka waxbarasho loo beddeli karo si dugsiyada dadweynuhu ay u bixiyaan xiisado caalami ah.”

Sharciga waxbarashada ee Norway ayaa dhigayaa in luqadda waxbarashada iskoolaadka dowladda ay tahay Norwegian ama Sami, halka dadka doonaya xiisado ku baxa luqado kale ay u wareegaan iskoolaadka gaarka loo leeyahay.

Isbeddelkan la filayo wuxuu noqon karaa mid u oggolaanaya iskoolaadka dowladda inay si rasmi ah u furaan fasallo xiisadahooda ku baxa luqadda Ingiriisiga.

Qaar ka mid ah iskoollada Oslo ayaa sugaya go’aanka oggolaanshaha ee maadooyin ku baxa luqado kale, sida Ingiriisiga. Julie Remen Midtgarden (H), oo ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Oslo, ayaa qabta sidan:

“Anigu waxaan u arkaa mid aan mas’uuliyad lahayn in degmada ay sii waddo waxbarasho aan la hubin muddo dheer.” ayay tiri iyadoo la hadlaysay NRK.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa ballan qaaday in la soo saari doono go’aan rasmi ah xilliga deyrta, taasoo qeexi doonta in iskoolaadka dowladda lagu dhigi karo xiisado ku baxa af qalaad iyo in kale.

Kilde: Utrop – “Engelsk kan bli hovedspråk på enkelte norske skoler”

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x