fredag, juli 18, 2025

Dowlada Norway oo hakisay ka shaqeynta codsiyada qoxootiga Siiriya.

OSLO – Dowladda Norway ayaa ku dhawaaqday in la hakiyay dhammaan codsiyada magangelyo ee ay soo gudbiyaan muwaadiniinta Suuriyaanka ah, mudo lix bilood ah oo ku eg ilaa 24-ka Diseembar 2025. Go’aankan ayaa yimid kadib markii xukunkii madaxweynihii hore ee Suuriya, Bashar al-Assad, uu dhacay bishii Diseembar 2024, sida ay sheegtay Wasaaradda Caddaaladda iyo Amniga Gudaha Norway.

Sida ay sheegtay Utlendingsdirektoratet (UDI), hakinta ayaa saameyneysa dhammaan dadka Suuriyaanka ah ee codsaday magangelyo, iyadoo sidoo kale aysan suurto gal noqon doonin in la bixiyo ama la kordhiyo ogolaanshaha shaqo ee la xiriira codsiyadaas.

— xukunkii Assad wuu dhacay, taasina waxay muujineysaa in dalku wajahayo marxalad cusub. Waxaan rajeyneynaa mustaqbal wanaagsan oo u baryaya dadka Suuriyaanka ah, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.

Waxaa sidoo kale lagu xusay in ku dhawaad 500,000 oo qaxooti Suuriyaan ah ay horey ugu laabteen dalkooda tan iyo isbeddelkii dhacay dhamaadka 2024.

Shaqo-heliddu hakad ayay gashay

Go’aanka dowladda Norway wuxuu si toos ah u saameeyay fursadaha shaqo ee ay haysteen qaar ka mid ah codsadeyaasha u dhashay Siiriya. Dowladda ayaa sheegtay in aysan jiri doonin wax ogolaansho shaqo ah oo cusub, sidoo kalena aysan suurto gal noqon doonin in la cusbooneysiiyo ogolaansho hore ee shaqo, maadaama ay codsiyadoodu ku jiraan hakad.

Ilaa goorma?

Wasaaradda ayaa sheegtay in hakinta codsiyada ay sii socon doonto ugu yaraan ilaa 24-ka Diseembar 2025. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sheegay in codsiyada laga yaabo in dib loo eego haddii xaaladda gudaha Suuriya si wanaagsan isu beddesho ka hor waqtigaas.

Go’aankani wuxuu si weyn u taabanayaa boqolaal qof oo Suuriyaan ah oo ku nool Norway kuwaas oo rajeynayay helitaanka magangelyo iyo sharci joogitaan rasmi ah.

Dowladda ayaa ugu dambeyn sheegtay in la sii wadi doono qiimeynta xaaladda Suuriya, islamarkaana la go’aamin doono haddii codsiyada dib loo furo, iyadoo lagu saleynayo isbeddelka ammaanka iyo siyaasadda dalkaas.

Xigasho/kilde: Stopper syriske søknader om beskyttelse i seks måneder

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x