Isbitaalka Akershus universitetssykehus (Ahus) iyo booliiska Øst ayaa wada baaritaan culus oo ku saabsan musuqmaasuq lagu sameeyay adeegga safarada bukaanada, loona yaqaano pasientreiser.
Booliiska Øst ayaa helay dacwad ka dhan ah darawal taksiile ah oo lagu tuhunsan yahay inuu si nidaamsan ugu gudbin jiray warbixinno been abuur ah oo ku saabsan safarro bukaan oo aanu qaadin, taasoo sababtay in lacag malaayiin kroner ah lagu lunsado nidaamkaan. Dacwaddan ayaa waxaa gudbiyay isbitaalka Ahus kadib markii ay heleen tuhun ku saabsan musuqmaasuq socday muddo labo sano ah.
Sida uu qoray wargeyska ABC nyheter, darawalka ayaa lagu tuhunsan yahay in uu soo gudbiyay boqolaal dalab safar oo ku sheegay inuu ku qaaday bukaanno, sababo la xiriira adeeg caafimaad, balse baaritaannada GPS iyo dukumiintiyo kale ayaa muujiyay in safarradaasi aysan dhicin.
Afhayeen u hadlay booliiska Øst, Christian Alexandre Kramer, ayaa yiri:
“Waxaan hadda ku guda jirnaa baaritaanka hordhac ah. Qiyaasta lacagta la musuqay waxay gaari kartaa malaayiin kroner.”
Maamulka isbitaalka Ahus ayaa sheegay in nidaamka pasientreiser uu yahay adeeg muhiim u ah daryeelka caafimaadka, islamarkaana muhiim tahay in la ilaaliyo kalsoonida bulshada.
“Waxaan arrintan u aragnaa mid aad u culus. Pasientreiser waa adeeg muhiim ah, waxaana khasab ah in si cadaalad ah loo isticmaalo.” — Afhayeen u hadlay Ahus.
Kilde: ABC Nyheter – “Taxisjåfør anmeldt for grov svindel med pasientreiser”, abcnyheter.no