fredag, juli 18, 2025

Dowlada Norway oo nin u gacangalisay Rwanda.

Dowladda Norway ayaa ogolaatay in nin u dhashay dalka Rwanda, ayna dooonayaa hey addaha cadaaladda dalkaas loo gacan geliyo, si loogu maxkamadeeyo dembi ku saabsan dil dhacay xilligii xasuuqii Rwanda 1994, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen booliska.

Ninkaan ayaa waxaa gacanta ku dhigay laanta danbiyada agaasiman ee booliska Kripos sanadkii 2022. Maxkamadda Oslo ayaana sanadkii 2023 go’aamisay in kiiskan uu buuxiyay dhammaan shuruudihii loo baahnaa si qof dambi ku eedeysan loogu gacangaliye wadan kale.

Bishii Febraayo 2025, dowladda Norway waxay si rasmi ah u gaartay go’aan ah in ninka la dhiibo. Go’aankaas waxaa lagu saleynay mas’uuliyadda ay Norway ka saaran heshiiska Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah xasuuqa.

Ninkii eedeysnaa ayaa racfaan ka qaatay go’aanka, laakiin racfaankiisa lama aqbalin. Sidaas darteed, waxaa hadda si rasmi ah loogu wareejiyo Rwanda.

Xeer ilaaliyaha Booliska Thea Elise Kjæraas oo ka tirsan Kripos ayaa tiri:
– Kiiskan waxaa loo maray saddex maxkamadood iyo laba hey’adood oo dowladeed. Ninka hadda waxaa loo gacan gelinayaa Rwanda si loogu maxkamadeeyo eedeynta ah inuu ka qayb qaatay xasuuq. Waa arrintan waafaqsan heshiisyada caalamiga ah ee gar-qaada kiiska lagu dhameeyo dalka dembigu ka dhacay.

Waxaa la filayaa in ninkan lagu eedeeyo ka qaybgalka xasuuqii Rwanda, oo lagu dilay in ka badan 800,000 oo qof sanadkii 1994, badidoodna ahaayeen qawmiyada Tutsiga.

Xigasho/kilde: Norge utleverer mann til Rwanda 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x