Saadaalin: Qorshihii Støre oo qiil-qiil kujiro, labo(2) maalin kahor doorashada baarlamaanka.

0
97
Foto: Twitter

Dhowr saadaal oo hordhac ah oo la qaaday maalmihii ugu danbeeyay, ayaa muujinayo in loo badaniyo in xisbiyada bidixda ee mucaaradka ahaa, ay ku guuleysan doonaan doorashada baarlamaanka Norway ee dhici doonto maalinta isniinta ah. Taas oo ka dhigan in reysulwasaare Erna Solberg ay xilka ka dagi doonto, kadib sideed(8) sano oo ay reysulwasaare aheyd.

Gudoomiyaha xisbiga Ap, Jonas Gahr Støre ayaa loo badaniyaa inuu noqdo reysulwasaaraha cusub ee Norway, hadii laga cabir qaato saadaasha hordhaca ah. Waxaana xilkaas isna sidoo kale uu damac aan cago badan ku taagneen uu kaga jiraa gudoomiyaha xisbiga Sp, Trygve Slagsvold Vedum.

Ap, Sp & SV mise?:

SaadaaL hordhac oo shaley soo baxday, ayaa muujineyso in sadexda xisbi ee horey usoo wada shaqeeyay ee Ap, SV iyo Sp ay isku dar heli karaan 87 xildhibaan oo kamid ah 169-ka xildhibaan ee golaha shacabka Norway. Taas oo ka dhigan inay heystaan aqlabiyad ay sadexdooda oo qur ah kusoo dhisan karaan dowlad wadaag ah, iyaga oo aan u baahan inay taageero ka helaan labada xisbi yare ee Rødt iyo MDG.

Qorshaha gudoomiyaha xisbiga Ap ayaa ah inuu helo aqlabiyad ka kooban sadexda xisbi ee Ap, SV iyo Sp. Uuna ka kaaftoomo taageerada xisbiyada Rødt iyo MDG oo wato shuruudo ay adkaan doonto inay laqaan dadka taageerada siiya xisbiyada Ap ama SP.

Xigasho/kilde: Knapt flertall for rødgrønn trio på meningsmåling to dager før valgdagen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments