Skien: Soomaali argagaxisnimo ku eedeysnaa oo 12 sano lagu xukumay

0
187

Sida uu qareenkiisa u xaqiijiyay wakaalada wararka Norway ee NTB, maxkamada Oslo ayaa 12 sano oo xabsi ah ku xukuntay 25 sano jir asal ahaan soomaali ah oo ku eedeysnaa isku deyga falal argagaxisnimo.

Ninkan ayaa ku eedeysnaa danbiyo ay kamid yihiin inuu isku dayay ka qeybqaadashada falal argagaxisnimo oo ka dhici lahaa dalka dibadiisa, uuna maamule(adminstrator) ka ahaa baro internetka ah oo ay ku sheekeystaan dad rabay inay weeraro argagaxisnimo ka geystaan dalal Yurub ah. Sidoo kale uu dad kale la wadaagay qoraalka macluumaadka sida loo sameeyo Miino iyo waxyaabo kale oo dacaayad loogu sameynayo ururka Daacish.

Xeer ilaaliyaha ayaa markii hore dalbaday in 25-jirkan soomaaliga ah lagu xukumo 15 sano, laakiin maxkamada ayaa ku xukuntay 12 sano.

25-jirkan ayaa iska fogeeyay dhamaan eedaha iyo danbyada argagaxisnimada la xiriirta ee lagu eedeeyay. Wuxuuna qareenkiisa sheegay inuu racfaan ka qaatay xukunka maxkamada koowaad ee Oslo, isaga oo aaminsan inuusan galin danbiyada lagu eedeynayo.

Xukunka lagu xukumay wiilkan ayaa ah kii ugu adkaa ee lagu xukumo qof ku eedeysan fal argagaxisnimo, tan iyo markii ay Norway soo rogtay sharciga cusub ee argagaxisada.

Xigasho/kilde: 12 års fengsel for terrortiltalt.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments