Xeer ilaalinta oo codsatay in la xiro oday iyo wiilashiis dhibaateeyay qoys soomaali ah.

0
183
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Waxaa soo dhamaatay dhageysiga maxkamada ka dhanka ah oday Norwiiji ah iyo labo wiil oo uu dhalay, kuwaas oo ku eedeysan inay u hanjabeen, faquuqeen, una cago jugleeyeen qoys soomaali ah. Halkan kasii akhri warkii aan horey kiiskan uga qornay.

Xeer ilaalinta booliska degmada Elverum ee dalkan Norway ayaa xeer beegtida maxkamada ka codsaday in shan(5) bilood oo xabsi ah lagu xukumo odeyga Norwiijiga ah ee ku eedeysan inuu dil ugu hanjabay hooyada qoyska soomaalida ah, halka ay codsadeen in wiilashiisa lagu kala xukumo 65 maalmood oo xabsi ah midkood, halka kan kalena ay codsadeen inay lagu xukumo 30 maalmood oo xabsi shuruudeysan ah.

Xeer ilaalinta kiiska dacwada ah kusoo oogay odeyga Norwiijiga ah iyo caruurtiisa ayaa sheegay in kiiskan uu yahay mid la xiriira cunsurinimo, uuna odeyga iyo wiilashiisu beegsadeen qoyska soomaalida ah, iyaga oo ku cunsuriyeynayo midabkooda.

Odeyga iyo wiilashiisa ayaa dhamaantood iska fogeeyay eedaha la xiriira faquuqa iyo cunsurinimada ee lagu soo oogay, waxeyna sheegeen in khilaafka kala dhaxeeyay qoyska soomaalida ah oo ay dariska ahaayeen uusan xiriir la laheyn cunsurinimo.

RASISMESAKEN I ELVERUM: BER OM FENGSEl.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments