Dowlada oo rabto in booliska loo ogolaado helitaanka xogta iyo faraha qoxootiga.

0
200
Maqaalkan W.Q: Ismail Moallim

Wasaaradda cadaaladda dalkan Norway ayaa soo jeedisay in booliska iyo hey´addaha amniga loo ogolaado inay helaan xogta iyo faraha laga qaado dadka magangalyo doonka ah, si looga hortago falalka argagaxisnimo iyo danbiyada kale ee waaweyn.

Xogta, macluumaadka iyo faraha laga qaado dadka magangalyo doonka ka ah dalalka Yurub ayaa lagu keydiyaa diiwaanka Eurodac oo ah diiwaan ka wada dhaxeeyo dalalka Yurub oo ay ku heshiiyeen. Waxaa halkaas laga ogaadaa in qofka magangalyada codsanayo uu horay wadan kale oo Yurub ah uu magangalyo uga codsaday iyo inkale.

Dalalka yurub ayaa sanadkii 2013 isku raacay in hey´addaha amniga dalalka Yurub awood loo siiyo inay heli karaan xogaha ku keydsan diiwaanka Eurodac, si boolisku ay uga hortagi karaan shaqsiyaadka geysan kara falalka argagaxisnimo ama danbiyada kale ee waaweyn.

Dowlada Norway ayaa hada rabta in sidoo kale booliska Norway awood loo siiyo inay helaan xogaha iyo faraha dadka magangalyada codsaday.

Wasiiradda cadaalada iyo amniga bulshada Norway, Monica Mælend ayaa sheegtay in ujeedku uu yahay in boolisku ay awood u yeeshaan kahortagista, dabagalka iyo baaritaanka falalka argagaxisnimo iyo danbiyada kale ee waaweyn.

Ururka qoxootiga ee NOAS ayaan wax fal celin ah ka bixin arrintan.

Xigasho/kilde: Politiet skal få tilgang til asylsøkernes fingeravtrykk.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments