Oday iyo wiilashii ku eedeysan cunsuriyeynta iyo u cago-jugleynta qoys soomaali ah oo maxkamad lasoo taagay.

0
101
Foto: © Mimsy Møller / Samfoto

Waxaa maanta oo Talaado ah maxkamada Østre Innladet ka bilaabatay maxkamadeynta odey Norwiiji ah iyo labo wiil oo uu dhalay, kuwaas oo ku wada eedeysan cunsuriyenta, cabsiinta iyo u cago-jugleynta qoys soomaali ah oo ay daris ku ahaayeen degmada Elverum ee gobolka Innladet(Eks Hedmark).

Kiiska odeygan oo 55 sano jir ah iyo wiilashiisa oo kala jira 18 iyo 16 lagu soo oogay ayaa ah mid la xiriira faquuqis ama cunsurinimo. Balse sadexdooduba waxey iska fogeeyaan danbiga uu kusoo oogay xeer ilaaliyaha booliska ee kiiska dacwada gacanta ku hayo.

Sida uu horey u qoray NRK, qoyska soomaalida ah ee dhibanaha ayaa dhibaatooyinka ay kala kulmeen odeygan iyo wiilashiisa darteed uga soo guuray magaalada Elverum oo ay mudo dheer ku noolaayeen.

Waxyaabaha ay ku eedeysanyihiin odeygan iyo wiilaiisa ayaa waxaa kamid ah in wiilasha odeyga uu dhalay ay ceyrsadeen caruurta qoyska soomaalida ah, iyaga oo gacanta ku wato bir, uuna hor ordayo eygooda.

Odeyga qoyskan ayaa sidoo kale ayaa ku eedeysan inuu dil ugu hanjabay hooyada iyo labo gabdhood oo ay dhashay. Waxaana lagu eedeeyay inuu ceyrsaday Hooyada qoyskan ee soomaalida ah iyo labo gabdhood oo ay dhashay, isaga oo ku dhawaaqayo ereyo cunsurinimo ah.

Qareenka u doodayo odeyga iyo wiilashiisa ayaa dhankiisa sheegay in kiiskan uu leeyahay dhinacyo badan.

Dhageysiga maxkamadan ayaa socon doonto ilaa afar maalmood.

Xigasho/kilde: Far og sønner tiltalt for vold og trusler mot somalisk familie.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments