Sweden: Fanaan Soomaali ah oo isaga oo xabsiga ku jiray ku guuleystay fanaanka Sanad ee Sweden

0
199
Yaasiin Byn Foto: Pressbild. Bild: J. Willz

Fanaanka asal ahaan Soomaaliga ah ee Yaasiin Cabdulaahi Maxamuud, kuna caanbaxay magac faneedka Yasin Byn ayaa mar kale ku guuleystay abaalmarinta fanaanka Sanad ee Sweden. Waxeyna noqoneysaa biladii labaad ee fanka ah ee uu Yaasiin ku guuleysto, isaga oo ku xiran xabsiga Stocklom.

Yaasiin oo 23 sano jir ah ayaa xiligan ah fanaanka loogu jecelyahay, looguna dhageysi badanyahay heesihiisa dalka Sweden. Balse wuxuu ku xiranyahay xabsiga, isaga oo ah eedeysane ku eedeysan inuu qeyb ka ahaa afduub iyo dhac loo geystay fanaan kale oo Swedish ah. Waxaana wali socoto dhageysiga maxkamadiisa, isaga oo eedeysane la ah 21 qof oo kale oo lagu eedeeyay inay ahaayeen koox gaangi ah oo falal burcadnimo abaabulan ah ka geysto gudaha Sweden. Halkan kasii akhr

Ma danbiilaa mise waa fanaan hibo leh:

Yaasiin ayaa ah qofka xiligan loogu hadalka badanyahay baraha bulshada iyo warbaahinta Sweden, waxaana arrintiisa aad ugu qeybsan bulshada dalka Sweden.

Shaki kuma jiro in Yaasiin uu yahay fanaanka aad looga jecelyahay dalka Sweden, gaar ahaana dhalinyarada. Balse waxaa arrintaas garab socdo eeda ah in lagu eedeeyay inuu ka danbeeyay afduubka iyo dhaca fanaan kale oo Swedish ah. Waxaana xusid mudan inuu horey usoo galay xabsi, isaga oo ku eedeysnaa danbi kale.

Booliska Sweden ayaa aaminsan in Yaasiin uu xubin ka yahay koox burcad ah oo ka howlgasha dalka Sweden, kuwaas oo si abaabulan uga sameyn jiray falal dhac iyo handaad ah. Sidoo kalena ka ganacsan jiray tahriibinta daroogada.

Fanaankan Soomaaliga, balse ku dhashay SWEDEN ayaa iska fogeeyay danbiga lagu eedeeyay, wuxuuna marar badan ku cel-celiyay inuusan geysan danbiga lagu eedeynayo. Balse wuxuu qiray inuu saaxiib la ahaa dad kale oo arrimo burcad badeed ah ku howlanaa, una badnaa saaxiibadii uu lasoo koray.

Dadweynaha Sweden ayaa u kiiska Fanaanka ugu qeybsan labo qeybood: Qeyb aaminsan inuu yahay fanaan leh hibo iyo mustaqbal faneed, ayna mudantahay inaan waqti badan la galin waxyaabaha uu sameeyay, maadaama uu yahay qof dhalinyaro ah oo qalad galay. Iyo qeyb aaminsan inuu yahay qof kamid ahaa koox burcad ah oo mudan in loo ciqaabo, laguna ceebeeyo falka uu sameeyay.

Xigasho/kilde: Fengslet rapper fikk Grammis.

Xigasho/kilde: Han kan bli «årets artist» i Sverige og er samtidig tiltalt i en omfattende straffesak. Rapperen Yasin splitter Sverige.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments