Sweden: Fanaan dhalinyaro soomaali ah oo ku eedeysan afduubka fanaan kale oo saaxiibkiis ah

0
195
Yaasiin Maxamuud: Fanaanka xiran. Foto: Youtube

Yaasin Cabdullaahi Maxamuud oo ah fanaan Swedish ah, asal ahaana soomaali ah ayaa dhawaan lasoo taagi doonaa maxkamada Stocklom, isaga oo ku eedeysan ku-lug-lahaanta afduubta iyo u han-jabista fanaan kale oo Swedish ah. Yaasiin ayaa oo 23-sano jir ah, ayaa kamid ah fanaaniinta ugu caansanaa, looguna dhageysi badnaa dalka Sweden kahor inta aan la xirin.

Sida uu qoray wargeyska Aftonbladet, Booliska ayaa aaminsan in Yaasiin uu lahaa fikirka afduubka lagu sameeyay fanaanka kale oo ay Yaasiin saaxiibo ahaayeen. Waxeyna boolisku sheegeen in fanaanka dhibanaha ah lagu afduubay baabuur, kadibna la geeyay guri kuyaal xaafada Vårberg ee magaalada Stocklom, kadibna madaxa laga saaray biskoolad, dilna loogu hanjabay.

Booliska ayaa aaminsan in fanaanka la afduubtay loo geystay jirdil, kadibna laga qaatay lacag sadex milyan oo kr ah, sidoo kalena gacantiisa si qasab ah loogala baxay saacad Rolex ah oo nooca qaaliga ah.

Kiiskan ayaa dhacan bishii April ee sanadkii 2020.

Kiiska lagu soo xiray fanaankan asal ahaan soomaaliga ah, ayaa qeyb ka ah kiis balaaran oo ka dhan koox ay boolisku Sweden ugu yeereen inay yihiin burcad agaasiman oo geystay danbiyo la xiriira Afduub, dil, cabsi-galin miino-dhigis iyo danbiyo kale oo hub loo adeegsaday. Booliska ayaa kiiskan baaritaankiisa bilaabay, kadib markii la jabsaday App-ka Enrochat oo ah App ama aalad ay kooxaha gaangiga ku wadaagaan xogta, kuna wada xiriiraan.

Marka laga tago Yaasiin, waxaa kiiskan xabsiga ugu jiro 29 qof oo kale o ku eedeysan falal danbiyeed agaasiman.

Yaasiin: Ma ahi danbiile.

Fanaanka xiran ee soomaaliga ayaa bishii January ee sanadkan bartiisa Instgram-ka soo dhigay qoraal dheer oo ku sheegayo inuusan wax danbi ah, kuna lug-laheyn kiiska lagu eedeeyay. Isaga oo sheegay in maalin uu uu soo bixi doono, si uu u cadeeyo inuu danbi-laawe yahay.

Qareenka matalaya Yaasiin, ayaa isna sheegay inuu iska fogeeyay ku lug-lahaanshaha danbiga lagu soo eedeeyay.

Xigasho/kilde: Åklagaren: Så gick kidnappningen av artisten till.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments