Listhaug: Norway Denmark hakaga tagto sharciga cusub ee qoxootiga

0
205
Sylvi Listhaug. Foto: Statsministerens kontor.

Wasiiraddii hore ee soo galootiga Norway, dhawaana loo doortay gudoomiyaha xisbiga Frp, Sylvi Lishtuag ayaa sheegtay in Norway ay mudantahay inay ku dayato dowlada Denmark oo maalmo kahor dhaqan-galisay sharci ku saabsan qoxootiga oo caalamka oo idil ka yaabiyay.

Baarlamaanka Denmark ayaa meelmariyay soo jeedin ka timid dowlada dalkaas, kuna saabsan in Denmark ay xero qoxooti ka furto dal kamid ah dalalka Afrika, kadibna ay ku xareyso qoxootiga imaada Denmark ee magangalyada codsada. Sharcigan ayaa ka dhigan in qof kasta oo qoxooti ah oo Denmark imaada laga dhoofiyo dalkaas, lana geeyo xerada qoxootiga ee laga furi doono Afrika, kadibna halkaas lagu hayo ilaa kiiskiisa go´aan laga gaarayo. Halkan kasii akhri.

Gudoomiyaha Frp ayaa sheegtay in Denmark ay dalalka kale ee Yurub tusineyso wado sax ah. Ayna arrintan tahay talaabo sax ah oo loo qaaday hirgalinta hanaan ku haboon qaabilaada qoxootiga oo Yurub oo dhan ka dhaqangala. Waxeyna sheegtay in Norway ay mudantahay inay wax ka barato, kuna dayato Denmark.

Xisbiga Frp ee Listhaug hogaamiso ayaa sanadkii 2009 soo bandhigay qorshe noocaan oo kale ah, balse waxaa waagaas loo arkayay wax riyo oo kale u eg oo aan dhab noqon karin.

Sylvi Listhaug ayaa sidoo kale sheegtay in qaabka qaabilaada qoxootiga ee Yurub uu yahay mid aan sii shaqeyn doonin dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba. Waxeyna sheegtay in hadii dal kale oo sadexaad lagu qaabilo qoxootiga uu yaraanayo tahriibka halista ah oo ay soo galootiga kusoo aadaan Yurub, iyaga kasoo gudbayo badweynta.

Xigasho/kilde: Vil gjøre som Danmark: Listhaug ønsker asylmottak i utlandet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments