Golihii deegaanka Oslo oo dhacay: Kadib markii mooshin lagu riday xubin golaha katirsan

0
175
Golaha deegaanka Oslo Foto: Oslo Kommune

Waxaa maanta dhacay golaha deegaanka ee magaalada Oslo soo xukumi jiray lixdii sano ee ugu danbeysay, kadib markii uu meelmaray mooshin laga keenay xubin golaha kamid ah. Waxaa sidaas warbaahinta u xaqiijiyay Reymond Johansen oo ah gudoomiyahii golaha deegaanka magaalada Oslo.

Lan Marie Berg Foto: MDG-Oslo

Dhicitaanka golaha ayaa yimid kadib markii uu meelmaray(codka aqlabiyada ah uu helay) mooshin xilka looga qaadayo  Lan Marie Berg oo ah xubin katirsan golaha deegaanka, kana mid ah xisbiga MDG. Balse Gudoomiyaha golaha deegaanka ayaa horey shardi ugu xiray in hadii xilka laga xayuubiyo Berg ay xilka ka wadagi doonaan dhamaan xubnaha kale ee golaha deegaanka. Wuxuuna arrintaas u adeegsaday shardi ah, si uu mooshinka uga badbaadiyo Lan Marie Berg oo uu sheegay inuu kalsooni ku qabo.

Balse xubnaha kale ee golaha deegaanka ayaan dhag jalaq u siin shardiga Reymond, waxeyna xilkii ka xayuubiyeen Lan Marie Berg oo MDG katirsan. Isla daqiiqado kadib waxaa saxaafada la hadlay Reymond oo sheegay in golihii deegaanka Oslo la kala diray, wuxuuna sheegay in dhawaan lasoo dhisi doono gole deegaanka oo isbaheysi ah, kana kooban xisbiyada Ap, Sv iyo MDG.

Shan bilyan oo kr ayay sababsatay:

Sababta keentay in mooshin laga keeno Lan Marie Berg ayaa la xiriirta in masuul looga dhigay mashruuca casriyeynta haamaha keydka biyaha magalada Oslo, wuxuuna golaha deegaanku qorsheeyay in arrintaas ay ku baxdo lacag gaareyso 12 bilyan oo kr. Laakiin waxaa timid in lacagta loo adeegsaday mashruucaas ay aheyd 17,2 milyan oo kr, taas oo Shan(5) bilyan ka badan lacagtii la qorsheeyay.

Xubnaha Golaha deegaanka ee xisbiyada mucaaradka ah ayaa Berg ku eedeeyay inaysan golaha deegaanka la qeybsan macluumaadka ku saabsan in mashruucaas ay ku baxday lacag ka badan midii loo qorsheeyay. Waxaana lagu eedeeyay inay xog muhiim ah ka qirisay oo aysan la wadaagin golaha deegaanka ay xubinta ka tahay, sidaas darteed aysan kalsooni ku qabin.

Duqa magaalada Oslo ayaa hada la wareegaya masuuliyada golaha deegaanka, kahor inta aan lasoo dhisin gole deegaan oo cusub.

Xigasho/kilde: Byrådet i Oslo går av etter mistillit mot MDG-Berg

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments