Denmark: Qorshe xaafada ajaaniibta ku saabsan oo la meelmariyay: Qasab ayaa lagu rari karaa.

0
71
Foto: Arbeiderpartiet. ReysulwasaarahaDenmark, Mette Frederiksen

Bulshooyinka ajaaniibta ah ee Denmark ayaa inta badan kunool xaafado isku raran ah oo ay ajaaniibtu ku badanyihiin. waxaana inta badan Denmark laga adeegsadaa xaafada gaarka ah ee xaafada ku dhex taalo, taas oo loola jeedo in qoysas badan oo asal ahaan aan Daanish aheyn ay doortaan inay xaafado gaar ah isla degaan.

Dowlada Denmark ayaa hada wada qorshe lagu mamnuucayo in hal xaafad ama xaafado kooban ay isku uruursadaan. Iyada oo ujeedku yahay in 30% bulshada hal xaafad kunool ay ajaaniib noqon karaan.

Kaare Dybvad Bek oo ah wasiirka arrimaha gudaha iyo guriyeynta ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid muhiim ah, si loo xaqiijiyo isdhexgalka bulshada, iyo inuusan qofku ku xirnaan oo kali ah bulshada uu wadankiisii kala yimid, uuna helo fursad uu ku barto dadweynaha kale ee Denmark.

Dowlada ayaa sheegtay in hadii is uruursiga ajaaniibta ee xaafada gaarka ah ay degaan, aan hada dowladu qorshe ka yeelan, ay mustaqbalka adkaan karto in wax laga qabto. Dalkana uu yeesho bulshooyin kala duwan oo kala nool, hadana wada nool.

Qorshahana dowlada ayaa saameynaya ilaa 100.000 qof oo kunool ilaa 58 xaafadood oo magaalooyinka dalka Denmark ka tirsan. Haba ugu badnaatee caasimada København.

Dowlada Denmark ayaa ku qasban inay taageero u raadsato mucaaradka, si qorshahan uu ugu meelmaro.

Xigasho/kilde: 100.000 beboere underlægges særlige krav – især hovedstaden rammes hårdt.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments