Boqor Harald: Ajnabi la´aan wadankan ma dhaqaaqi laheyn.

0
132
Qoyska boqortooyada Norway. Sawirka: Gety-Images

Mudadii lagu jiray xaalada Coronaha waxaa cabasho aad u xoogan muujinayay degmooyinka Norway ee ka fog magaalooyinka waaweyn, kuwaas oo dadkoodu ay u badanyihiin beeraleyda iyo kaluumeysatada. Iyaga oo ka cabanayay shaqaale la´aan baaxad leh, kadib markii dowlada Norway ay joojisay soo galitaanka shaqaalaha ajaaniibta ah ee dalka shaqada u imaan jiray.

Beeraley badan ayaa sheegay in sanadkan aysan usoo go´i doonin dalagyada beerahooda ay beeran jireen, maadaama aysan helin shaqaale uga shaqeeya beeraha. Sidaas darteed ay sanadkan khasaareen lacag malaayiin dollar ah.

Boqorka iyo boqorada Norway ayaa booqasho ku tagay degmada Hyllestad oo kutaal gobolka Vestland ee dalkan Norway. Waxeyna degmadaas kamid tahay degmooyinka ay saameynta xoogan ku yeelatay mamnuucista shaqaalaha ajaaniibta ah ee ka shaqeyn jiray beeraha iyo warshadaha kaluumeysiga.

Duqa magaalada Hyllestad ayaa wafdiga boqorka u muujiyay sida uu dhaqaalaha iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsi degmadiisu ugu xirantahay shaqaalaha ajaaniibta ah, wuxuuna ka warbixiyay dhibaatooyinka degmadisa kasoo gaaray xanibaada corona iyo shaqaaalaha ajaaniibta ah ee loo diiday inay dalka soo galaan.

Boqorka Norway ayaa fahan u muujiyay duqa magaalada, wuxuuna sheegay in shaqaalaha ajaaniibta ah la´aantood uu istaagi lahaa dalkan Norway.

Xigasho/kilde: Kong Harald om gjestearbeidere: – Uten dem hadde Norge stoppet opp.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments