Maxkamada Oslo oo diiday in qoyskii soomaalida ahaa ay kusoo noqdaan gurigii laga bixiyay.

0
100
Booliska oo aabaha qoyska, gurigiisa si xoog ah uga bixinayo. Foto:Bjarte Breiteig

Maxkamada hoose ee magaalada Oslo oo qaaday dacwad u dhaxeyso dowlada hoose ee magaalada Oslo iyo qoys soomaali ah oo gurigi ay degenaayeen laga bixiyay, ayaana kiiska u xukuntay dowlada hoose ee magaalada Oslo oo go´aamisay in qoyskan soomaalida ah, aysan xaq u laheyn inay kusoo noqdaan gurigii laga bixiyay.

Kiiska qoyska soomaalida ah ayaa noqday mid caan ka ah warbaabinta dalkan Norway, kadib markii muuqaal-baahiyaha TV2 uu soo bandhigay sheekada qoyskan oo si xoog ah oo boolis loo adeegsaday looga saaray gurigii ay degenaayeen 10-kii sano ee ugu danbeeyay. Halkan kasii akhri warkii aan horey kiiskan uga qornay.

Sida uu qoray wargeyska VG, qoyskan soomaalida ah ayaa maxkamad la fuulay dowlada hoose ee magaalada Oslo, iyaga oo dalbanayo inay dib ugu noqdaan gurigii ay degenaayeen, maadaama go´aanka guriga looga saaray uu ahaa mid aan si sax ah oo sharciga waafaqsan uga turjumeyn xaalada dhabta ah ee qoyska.

Maxkamada hoose ee magaalada Oslo oo qaaday garta qoyska soomaalida ah iyi dowlada hoose ayaa kiiska u xukuntay dowlada hoose, waxaana qoyska soomaalida ah lagu xukumay inay bixiyaan qarashka(lacagta) dowlada hoose uga baxday dhageysiga maxkamada.

Maxkamada Oslo ayaa go´aankeeda ku sababeysay in maxkamadu aysan go´aan ka gaari karin, ayna tahay inay degmada Oslo ay guri siiso qoys, balse ay taas tahay shaqada dowlada hoose ee magaalada Oslo.

Golaha deegaanka ee magaalada hoose ayaa horey dowlada Hoose uga dalbasaday in dib u fiirin iyo dib u qiimeyn lagu sameeyo xeerkii sababay in qoyskaas soomaalida ah guriga laga bixiyo. Halkan kasii akhri

Waxaa xusid mudan in qoyskan soomaalida baraha bulshada iyo internetka looga uruuriyay lacag taageero dhaqaale ah oo gaareyso 1,6 milyan kr oo lacagta Norway. Halkan ka fiiri.

Xigasho/kilde: Familie på Tøyen får ikke flytte tilbake til leiligheten.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments