Oslo: Buuq xoogan oo ka dhashay urur islaami ah oo dhul ku gatay 60 milyan kr.

0
154
Dhulka ay ururka Islam Net iibsadeen: Waxaa kamid ah xarun toogashada lagu barto. Foto: Google

Website-ka Filter Nyheter ayaa maalmo kahor soo bandhigay warbixin ku saabsan in ururka ay dad badani u arkaan xagjirka ee Islam Net uu xaafada Grorud-dalen ka gatay dhul uu qiimihiisu ku kacay 60 milyan oo kr. Arintan ayaa abuurtay dood badan, iyada oo xisbiyo badan ay ku baaqeen in ururkaas laga horistaago iibsiga dhulkaas.

Waxyaabaha dooda dhalisay ayaa waxaa kamid ah in dhulka uu ururkan iibsaday ay kutaalo meel lagu barto xabad-ridista iyo toogashada( skytesenter).

Islam Net ayaa sheegay in dhulkaas ay ugu talagaleen xarun dacwo iyo masaajid dhalinyarada muslimiinta ay ku bartaan diintooda. Xaruntaas oo leh agabyo madadaalo oo kala duwan oo dhalinyarada soo jiidato sida xafiisyo Computer, Bilyaardi iyo meel lagu jimicsado.

Waxeyna sheegeen in lacagta ay ku gateen dhulkaas ay ka koobantahay lacag deyn ah oo ay ururka deymiyeen shaqsiyaad iyo lacago sadaqo ah oo ururka loogu deeqay(Hadiyad). Iyaga oo sheegay inay wadamadda dibadda ah ka helin wax taageero dhaqaale oo deeq ama deyn midnaba ah.

Frp: Hurdada ka kaca.

Kadib markii ay soo baxday in ururka Islam Net oo horey caan uga ahaa warbaahinta Norway uu iibsaday dhul aad u weyn oo baaxadaas leh, waxaa markiiba bilowday dood adag oo ku aadan in ururkaas laga horistaago iibsiga dhulkaas . Gaar ahaan waxaa shaki badan la galiyay ujeedka dhabta ah ee ka danbeeyo iibsashada ururkaas ee dhulka, iyo meesha ay ka keeneen lacagta intaas le eg ee ay ku iibsadeen dhulkaas.

Xisbiyada siyaasada Norway, gaar ahaan laamahooda Oslo ayaan min bidixda fog (Rødt) ilaa midigta fog(Frp) u kala harin eedeynta ururkaas iyo soo jeedinta laga horistaago iibsiga dhulkaas. Xisbiyadan oo aragti ahaan aad u kala fog, inta badana aan isku wada raacin arrimaha siyaasadda, ayaa markan ku mideysan arrintan.

Afhayeenka arrimaha ajaaniibta ee xisbiga Frp, Jon Helgheim ayaa maamulka Oslo ugu baaqay inay hurdada ka kacaan intii ay hadhow shaleyn lahaayeen, isaga oo sheegay in marnaba aan la dhayalsan karin khatarka ka imaan karto in urur aaminsan fikrado aad uga fog dhaqanka Norway uu xarun iyo geed-fadhi ku yeesho magaalada Oslo.

Ururka Islam net ayaa dhankooda iska difaacay eedeynta siyaasiyiinta. Fahad Qureshi oo ah madaxa ururkaas ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in siyaasiyiintu ay isku raacaan in la hor istaago dhismaha masaajid iyo xarun dacwo oo dhalinyarada u fidiso madadaalo. Wuxuuna siyaasyiinta xusuusiyay in Norway ay ka jirto xoriyada diinta.

Xigasho/kilde: Alt fra Rødt til Frp vil stoppe virksomheten deres. Islam Net slår hardt tilbake..

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments