Oslo: Booliska oo xiray, kadibna dacweeyay dukaan Grønland kuyaal.

0
180
Oslo-Grønland

Sida ay kusoo qoreen bartooda Twitterka, booliska magaalada Oslo ayaa shaley xiray, kadibna dacwad ka gudbiyay mid kamid ah dukaamada kuyaal xaafada ay ajaaniibtu ku badantahay magaalada Oslo Grønland.

Booliska ayaa sheegay in dukaankan uu si caadi ah u furnaa, una shaqeynayay xili magaalada Oslo lagu soo rogay xayiraad la xiriirta xakameynta feyruska Corona. Iyaga oo isla markii ay xireen dukaankaas ka gudbiyay dacwad ku saabsan in dukaanku uu jabiyay sharciga xakameynta faafitaanka feyruska Corona.

Dukaanka ay boolisku xireen ayaa kuyaal agagaarka maxadada T-bane-ka Grønland. Iyada oo boolisku ay dhanka kale sheegeen in dukaamada kale ee agagaarka goobtaas kuyaal ay markiiba albaabada xirteen, marka ay arkeen booliska oo aagaas ku sugan.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso xili axadii ay booliska Oslo xireen sadex maqaaxi oo isla aagaas kuyaal, kuwaas oo labo kamid ah ay soomaali leeyihiin. Magaalada Oslo, ayaa waxaa xiran ka jira cabsi xoogan oo ah in faafitaanka feyruska Corona ee gudaha magaalada

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments