Qoys soomaali: Gurigoodii ayaa laga tuuray, ku dhawaad 1,5 milyan kr ayaa loo uruuriyay.

0
201
Booliska oo aabaha qoyska, gurigiisa si xoog ah uga bixinayo. Foto:Bjarte Breiteig

Maxamed Jaamac waa aabaha shan caruur ah oo shaley sheekadiisa lagu soo bandhigay muuqaal baahiyaha TV2, kadib markii maamulka xaafada uu deganyahay ee Gamle Oslo ee magaalada Oslo ay amreen inuu ka guuro gurigii uu degenaa 10-kii sano ee ugu danbeeyay.

Dad badan oo ka xanaaqay sida arxan darada ah ee loola dhaqmay qoyskan soomaalida ah ee ka kooban 7-da qof, ayaa shucuurtooda kusoo bandhigay baraha bulshada, waxaana dhanka kale baraha internetka si xawli ah uga socday olole lacag uruurin loogu sameynayo qoyskan gurigoodii laga bixiyay.

15.000 kr oo dakhli dheeri ah ayaa soo shaqeeyay:

Sida uu qoray wargeyska TV2, aabaha qoyskan degenaa guryaha dowlada(Kommunal Bolig), ayaa lagu wargaliyay inuu guriga dowlada isaga baxo, maadaama sanadkii hore uu shaqeeyay dakhli 15.000 kr ka badan, kan ugu badan ee uu shaqeyn karo qofka degan guryaha dowlada(Inntektgrense).

Qoyska ayaa ka dacwooday go´aanka dowlada, balse maamulka guryaha ee xaafada Bydel Gamle Oslo, ayaa iyada oo wali aan go´aan laga gaariin kiiskii cabashada(Klage), qoyska ku amray inay guriga isaga guuraa. Markii ay ka felceliyeena, waxaa loo soo diray 3 baabuur oo boolis ah, kuwaas oo qoyska gurigoodii si qasab ah uga bixiyay, banaanka u saaray.

50.000 ayay rabeen, 1,5 milyan kr ayay ku socotaa.

Bjarte Breiteig oo kamid ah dadka dariska la ahaa qoyskan soomaalida ah ee gurigoodii sida xooga ah ay boolisku uga saareen, ayaa markii hore maqaal soo galiyay baraha bulshada, isaga oo kaga hadlay sida arxan darada ah ee qoyskaas loola dhaqmay. Kahor inta uusan TV2 warbixin ka diyaarin xaalada qoyskaas ay ku sugnaayeen, kadib markii gurigoodii laga bixiyay, ayna jidka kusoo dhaceen.

Kumanaan qof oo ku kula sugan dhamaan goblada iyo degmooyinka Norway, ayaa 24-kii saac ee ugu danbeeyay si aad dareen xoogan uga muujiyay sida ay degmadu ula dhaqantay qoyskan, oo sheegay in caruurtooda qaarkood ay casharada iskuulka ka shaqeynayeen, marka ay boolisku guriga xooga uga saareen

Tonje Tornes oo ah xaaska Bjarte(ninka qoraalka koowaad qoray), ayaa internetka ka bilowday olole lacag uruurin loogu sameynayo qoyska Maxamed Jaamac, waxeyna rabtay ina soo uruuriso ilaa 50.000 kr.

Kumanaan dadweyne ah oo akhriyay, kana tacaadufay sida qoyskan loola dhaqmay, ayaa sameeyay lacag uruurin xoogan, waxaana ilaa hada la uruuriyay lacag kor u dhaafeyso 1.300.000(Hal milyan iyo sadex boqol kr), iyada oo qorshuhu uu yahay in lasoo uruuriyo 1.500.000 kr(Hal milyan iyo shan boqol kr).

Tonje Tornes oo ah qofka bilaabay lacag uruurinta, ayaa sheegtay ineysan garan karin waxa ay ku cabirto dareenkooda ku aadan sida ay dadku uga falceliyeen arintan, uga qeybqaateen lacag uruurinta.

Xigasho/kilde: Har samlet inn 1,5 million kroner på ett døgn: − En liten folkeaksjon

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments