Golaha deegaanka Oslo: Qoyska Maxamed Jaamac haloo ogolaado inay gurigii laga saaray iibsadaan.

0
139
Booliska oo aabaha qoyska, gurigiisa si xoog ah uga bixinayo. Foto:Bjarte Breiteig

Shir ay galabta yeesheen xubnaha golaha deegaanka Oslo, ayaa dowlada hoose ee magaalada cadaadis adag lagu saaray in laga noqdo go´aankii gurigooda looga saaray qoyska soomaalida ah ee ku noolaa xaafada Tøyen ee Oslo, loona ogolaado inay iibsadaan gurigaas.


Shirka oo ahaa midkii caadiga ahaa ee xubnaha golaha deegaanka magaalada Oslo ay isbuuc walba yeelan jireen, ayaa qodobadda ugu adag ee isbuucan looga hadlay, waxaa kamid ahaa kiiska qoyska Mohamed Jaamac oo ah aabaha shan(5) caruur ah oo isbuucii laga saaray gurigii ay degenaayeen tobankii(10) sano ee ugu danbeeyay. Halkan kasii akhri sheekada qoyska.

Aqbaliyada golaha deegaanka, ayaa isku raacay in la laalo(joojiyo) xeerkii sababay in qoyskan soomaalida ah markii horeba laga tuuro gurigii ay degenaayeen, waxaana dowlada hoose ee deegaanka lagu amray inay dib u qiimeyn ku sameyso dhamaan xeerarka kale ee arrintan khuseeyo.

Golaha deegaanka ayaa dhanka kale cadaadis adag dowlada hoose ee Oslo ku saaraya in laga noqdo go´aankii gurigooda looga saaray qoyska soomaalida ah, waxeyna isku raaceen in qoyska loo ogolaado inay helaan lacag deyn bilow ah(Startlånn), si ay awood ugu yeeshaan inay gurigooda iibsadaan. Qoyskan ayaa markii hore loo diiday inay helaan deyn bilow ah(Startlån), si ay gurigii ay degenaayeen u iibsadaan, maadaama aysan xiligaas heysan dakhligoodu(inntekt) yaraa, sida ay TV2 u sheegtay Sunniva Holmås Eidsvoll oo xisbiga SV katirsan.

Xildhibaanadan SV katirsan ayaa sheegtay in dakhliga qoyska uu hada isbadal ku yimid.

Xubnaha golaha deegaanka ee Oslo ayaa sidoo kale galabta isku raacay, in la joojiyo dhamaan go´aanada guri ka saarista ah ee qoysaska heysta caruurta, inta lagu jiro xaalada feyrusk Corona.

Kiiska qoyska soomaalida ah ayaa sababay hadalheyn aad u badan, waxaana ilaa hada warbaahinta iyo baraha bulshada ka socdo doodo kiiskan ku saabsan.

Xigasho/kilde: Krever at Jama-familien får vurdert startlån på nytt.

Utkastelsen av Mohamad og familien kan reverseres.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments