Degmooyinkan ayaa talaalka Corona ugu hor heli doono.

0
104
Foto: Arvid Samland/Statsministerens kontor.

Wasaaradda caafimaadka Norway ayaa sheegtay in 26-ka bishan Desember, Norway si rasmi ah looga bilaabi doono talaalka xanuunka Corona. Waxeyna wasaaraddu qorsheysay in talaalka lagu bilaabi doono degmooyin horey loo xulay.

Degmooyinka ugu horeeyo ee talaalka Corona laga bilaabi doono Norway ayaa kala ah: Oslo, Ringsaker, Hamar, Stange, Sarpsborg, Fredrikstad iyo Hvaler.

Degmooyinkan ayaa lagu doortay inay yihiin meelaha uu xanuunku ku faafay iyo meelaha ugu dhow magaalada Oslo oo la keeni doono talaalka, ahna meesha ugu badan ee xanuunku uu ku faafay guud ahaan Norway.

Daawada Talaalka ee ugu horyso ayaa Norway soo gaari doonto 26-ka bishan oo ah isla maalinta la bilaabo doono bixinta talaalka.

Dowlada ayaa horey u sheegtay in sadex guruub loogu hormarin doono talaalka. Halkan kasii akhri.

Xigasho/kilde: Disse sju kommunene får vaksine først.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments