Dowlada: Dadkan ayaa loogu hormarin doonaa Talaalka Coronavirus.

0
99
Bent Høie: Wasiirka caafimaadka Norway Foto: Skjermdump/Regjeringen.no

Wasiirka caafimaadka dalkan Norway, Bent Høie ayaa sheegay in mudo dheer oo la sugayay talaalka Coronavirus uu dhawaan soo gaari doono Norway, maadaama ay Norway dhowr heshiis la gashay shirkadaha soo saarayo talaalka Coronavirus.

Dowlada ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadku ay sameysay kala horumarin loo sameyanyo dadka la siinayo talaalka Coronavirus, maadaama ay jiraan qeybo bulshada kamid ah oo xanuunka u nugul.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in sadexdan guruub loogu hormarin doono dadka la qorsheeyay in laga talaalo xanuunka Covid-19: 1) Dadka waayeelka ah ee degan goobaha lagu xanaaneeyo dadka waaweyn, 2) Dadka da´ahaan ka weyn 64 sano, iyo 3) dadka da´doodu u dhaxeyso 18 ilaa 64 sano ee qaba xanuunada qaarkood.

Sidoo kale shaqaalaha caafimaadka ama dadka ka shaqeeyo caafimaadka ayaan wali go´aan laga gaarin in la galin doono safka ugu horeeyo ee dadka Talaalka la siin doono.

Xigasho/kilde: Folk med ekstra risiko skal få vaksine først.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments