Waa walaalo isku mar la keenay: Mid sharci ayaa la siiyay, midna tarxiil.

0
101
Mustafa iyo Abdel. Foto: Privat

Mustafa iyo Abdel waa labo wiil oo walaalo ah oo da´ahaana isku xigo. Waxeyna Norway soo galeen iyaga oo midna 6 sano jiro midna 8 sano. Waxeyna la socdeen hooyadood iyo 4 caruur ah kale oo ay walaalo yihiin.

Sheekada Mustafa Hassan oo ah labada walaalaha ah midka yar, ayaa aad u qabsatay warbaahinta Norway, kadib markii lagu amray inuu Norway isago baxo, kadib 12 sano oo uu dalka degenaa.

Riix sawirka

Labadan wiil ayaa dalka la keenay iyaga oo la socdo hooyadeed oo hada Norway laga tarxiilay. Hooyadood oo reer Urdun ah ayaa sheegatay inay kasoo jeedo dalka Falastiin, waxeyna sidaas Norway uga heshay sharci. Dhowr sano kadib ayaa la ogaaday inay hooyadood been sheegtay, waxaana laga celiyay sharcigii markii hore la siiyay. Hooyadood iyo caruurtii kale ee walaalahood ahaa ayaa doortay inay Norway isaga tagaan, halka Mustafa iyo Abdel ay Norway ku hareen.

Abdel sharci ayaa la siiyay, Mustafana Tarxiil:

Sanado badan oo dagaal sharciyeed ah kadib, Abdel ayaa sanadkan 2020 bilowgiisii waxaa la siiyay sharci magangalyo, sanado badan oo xaalad aan la hubin uu ku noolaa kadib.

Balse Mustafa oo ah walaalkiis isaga ka yar, oo ay hal maalin soo wada galeen Norway, isku kiis iyo xaaladna yihiin, ayaa loo diiday in la siiyo sharci waxaana lagu amray inuu dalka isaga baxo.

Shirkada qareenada Fend ayaa maanta sheegtay inay maxkamad la fuuli doonto hey´adda qoxootiga ee UNE, iyaga oo ku eedeyn doonin inay jabiyeen sharciga, marka ay ka shaqeynayeen kiiska Mustafa Hassan.

Sheekada Mustafa Hassan ayaa ah mid aad looga hadalhayo warbaahinta Norway iyo baraha bulshada, waxaana kiiska Mustafa xoojinayo kiiska walaalkii sharciga ka helay Norway.

Xigasho/kilde: Mustafa Hasan saksøker staten: – Jeg håper på rettferdighet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments