Sarpsborg: Boolis istaajiyay salaad Jimce masaajid gudihiis.

0
135

Booliska magaalada Sarpsborg ee gobolka Viken ee dalkan Norway ayaa gudaha u galay mid kamid ah masaajidada muslimiinta magaaladaas, kaas oo ay ka socotay salaad Jimce. Booliska ayaa istaajiyay salaada Jimce, waxeyna gudaha ugu tageen 22 qof.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso xili marar badan laga digay, mamnuucna laga dhigay in wax ka badan 10 qof ay isku imaadaan, iyada oo laga cabsi qabo faafitaanka xanuunka Coronavirus.

Masaajidka ay boolisku galeen ayaa ah masaajidada jaaliyadaha islaamka ee Albanian-ka degmadaas kunool. Waxeyna boolisku sheegeen inay dacwad ka gudbin doonaan qofkii soo qaban-qaabiyay isku imaanshaha salaada jimce.

Booliska ayaa sidoo kale qortay magacyada iyo meelaha ay deganyihiin 22-ka qof ee masaajidka loogu tagay, si loo hayo macluumaadka dadka kale, hadii qof kamid ah dadkaas laga helo xanuunka Corona.

Imaamka masaajidka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in arrintaas ay ku dhacday is fahan daro.

Xigasho/kilde: Politiet stanset fredagsbønn med 22 personer: − En misforståelse, sier imame.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments