Qareen: Xukunkii maxkamada ee Kiiska Abiib meesha ayuu ka bixi karaa.

0
142
Mahad Abiib Foto: NorSom News

Muuqaal-baahiyaha TV2 ayaa saaka soo tabiyay in booliska dalkan Norway ay gacan weydiisteen sirdoonka dalka Canada iyo hey´adda sirdoonka dalka Mareykanka ee FBI-da, markii ay ka shaqeynayeen kiiska Mahad Abiib oo ah muwaadin soomaali ah oo ay Norway ka ceshatay dhalashada dalkeeda, kadib markii lagu eedeeyay inuu kasoo jeedo dalka Jabuuti, uusana aheyn soomaali. Halkan kasii akhri warbixintaas.

Qareenka Abiib: Xukunkii maxkamada ee kiiska Mahad meesha ayuu ka bixi karaa.

Qareenka Mahad Abiib, Arild Humlen ayaa TV2 u sheegay in sirdoonada ay Norway caawinta weydiisatay ay Mahad Abiib ka diyaariyeen warbixin ay usoo gudbiyeen booliska Norway. Wuxuuna sheegay in warbixintaas ay sawir fiican ka bixineyso nin ay Norway sheegtay inuu la dhashay Mahad Abiib, balse uu Mahad sheegay inuu ahaa ganacsade reer Jabuuti ah oo xiriir ka dhaxeeyay.

Qareenka ayaa booliska ka codsaday inay warbixinta sirdoon ee FBI-da iyo sirdoonka dalka Canada ay ogolaadaan in daaha laga qaado(banaanka la keeno). Hadii ay taas sameyn diidaana, uu isagu qareen ahaa maxkamad la tagi doono, si warbixintaas loo ogolaado in banaanka la keeno.

Humlen ayaa aaminsan in warbixinta sirdoonka labada dal ay diyaariyeen ay Mahad ka caawin karto inuu cadeeyo aqoonsigiisa saxda ah, maadaama horey ay Norway ugu eedeysay inuu yahay qof kasoo jeedo dalka Jabuuti oo aan soomaali aheyn. Wuxuuna sheegay in warbixintaas ay meesha ka saareyso xujadii ugu weyneyd ee xiriirka Mahad lala xiriiriyay jabuuti, oo ahaa nin u dhashay dalka Jabuuti oo Norway ay sheegtay inuu yahay mahad walaalkii.

Qareenka ayaa aaminsan in warbixinta FBI-da ay sawir ka bixineyso in ninkaas uusan Mahad la dhalan, taas oo meesha ka saareyso xujadii ugu weyneyd ee Mahad loo adeegsaday.

Humlen ayaa sheegay in hadii ay cadaato in Mahad lagu xukumay sifo aan sharci aheyn ama loo adeegsaday cadeyn aan rasmi aheyn, uu mudanyahay in dib loogu celiyo dhalashadiisii Norway. Wuxuuna aaminsanyahay in xukunkii hore ee maxkamada meesha laga saari karo, hadii ay cadaato in wixii lagu xukumay ay ahaayeen wax aan sax aheyn.

Mahad ayaa hada kunool magaalada Paris ee dalka Faransiiska, wuxuuna magangalo kumeel gaar ah ka helay dowlada Faransiiska.

Xigasho/kilde: Hvis det på bakgrunn av etterretningsrapportene kan fastslås at politiets påstand om at Mahad har en bror i Djibouti er feil, faller hele saken mot ham, sier Humlen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments