Oslo: Dilka xaaskiisa weyn(minweyn) ayuu lacag ku bixiyay: 21 sano oo xabsi ah.

0
84
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maxkamada magaalada Oslo ayaa 21 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin heysta dhalashada dalkan Norway, balse asal ahaan kasoo jeedo dalka Pakistan, kadib markii lagu helay inuu dalbaday, lacagna ku bixiyay dilka xaaskiisa. Waxaana sidoo kale lagu xukumay inuu isku dayay dilka labo nin oo la dhashay xaaskiisii uu dilay.

Ninkan oo lixdameeyo jir ah ayaa Norway degenaa wax ka badan 40 sano. Waxeyna xaaskiisa ay is qabeen tobanaan sano. Sanadkii 2006 ayuu u noqday dalka Pakistan, wuxuuna guursaday xaas labaad.

Nin waardiye ka ahaa guriga uu ninkan ku lahaa magaalada Lahore ee dalka Pakistan, ayna degeneyd xaaskiisa weyn ayaa sanadkii 2017 toogasho ku dilay xaaskiisa. Waxaana markii la qabtay kadib uu sheegay in lacag lagu siiyay dilka haweeneydaas, isaga oo farta kusoo fiiqay ninkeeda oo heysta dhalashada Norway.

Waardiyaha la qabtay ee dilka ka danbeeyay ayaa sheegay in loo balanqaaday lacag gaareyso 700 kr(qiyaastii 70 $), hadii uu dilo haweeneydaas. Wuxuuna sheegay in hormaris ahaa loo siiyay qeyb lacagta kamid ah, qeybta kalena lagula balamay in la siiyo marka uu dilka fuliyo kadib.

Maxkamada magaalada Oslo ayaa jimcihii odeygan lixdameeyo jirka ah ku xukuntay 21 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi ah inuu isagu dalbaday, lacagna ku bixiyay dilka xaaskiisa. Waxaana sidoo kale lagu xukumay inuu isku dayay dilka labo nin oo seediyaashiis ah(la dhashay xaaskiisa la dilay). Isaga oo sidoo kale isku dayay inuu laaluush siiyo saraakiil kamid ah kuwa booliska Pakistan ee kiiska gacanta ku hayay, isaga oo ku dadaalay in kiiskaas aan loo soo gudbin dowlada Norway oo uu dhalashadeeda heysto.

Maxkamada ayaa diiday inay aqbasho sharaxaada ninkan oo aheyd inuusan isagu wax lug ah ku laheyn dilka xaaskiisa. Balse ay arintaas ka dhalatay dagaal ka dhaxeeyo labo saaxiib(Gacaliye) oo ay iyadu(xaaskiisa) laheyd.

Xukunka xabsiga 21-da sano ah, waxaa ninkan loogu daray inuu bixiyo magdhow gaarayo 4 milyan oo kr(Qiyaastii 400.000 $). Magdhowgaas oo lagu xukumay inuu siiyo qaraabada xaaskiisii uu dilay.

Xigasho/kilde: Leiemorder fikk 700 kroner for å drepe kona – nå er ektemannen dømt.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments