TV2: Booliska Norway oo FBI-da ka codsaday inay gacan ka siiyaan kiiskii Mahad Abiib.

0
202
Saiwr Foto: Faksimile/TV2

Ma xasuusataa kiiskii Mahadi Abiib?. Kiiskii wiilka soomaaliga ahaa ee 2 sano kahor ay dowlada Norway ka ceshatay dhalashada Norway, kadib markii lagu eedeeyay inuu kasoo jeedo dalka Jabuuti, uusana aheyn soomaali. Kiiskaas iyo buuqii siyaasadeed ee ka dhashay oo sababay in ugu yaraan isbadal lagu sameeyo ilaa 5 sharci oo ajaaniibta khuseeyo.

Mahad ayaa sida uu sheegay muuqaal-baahiyaha TV2 hada kunool magaalada Paris, waxaana uu ugu danbeyn helay baasaboorka dalka Soomaaliya oo markii hore ay Norway ku eedeysay inuusan kasoo jeedin. Waxaana dhanka kale Mahad Norway ugu dhashay labo ilmood(Gabar iyo wiil) oo heysta dhalashada Norway.

Abiib ayaa TV2 u sheegay in labadii sano ee ugu danbeeyay ay noloshiisa kusoo siyaadeen waxyaabo badan, haba ugu weynaadeen labada caruur ah ee u dhashay. Wuxuuna isaga oo dhoola-cadeynayo tusay baasaboorkiisa soomaaliga ah oo uu sheegay inuu cadeynayo inuu yahay muwaadin u dhashay dalka Soomaaliya.

Booliska Norway: FBI naga caawi kiiska Mahad Abiib.

Sida uu TV2 u sheegay qareenka Mahad Abiib, Arild Humlen, booliska Norway ayaa marka ay ka shaqeynayeen kiiska Mahad sameeyay arrin dhif iyo naadir ah, kadib markii ay sirdoonka dalalka Mareykanka(FBI) iyo Canada ka dalbadeen inay gacan ka siiyaan cadeynta kiiska Mahad Abiib iyo aqoonsigiiisa shaqsiga. Waxeyna Sirdoonka labadaas booliska Norway usoo direen warbixin ay ka diyaariyeen qoyska Mahad Abiib iyo dhalashadiisa.

Sida uu qoray TV2, FBI ayaa sidoo kale isku deyday inay wareysi la yeeshaan nin ay Norway sheegtay inuu yahay walaalka Mahad Abiib, balse uu Mahad Abiib maxkamada ka sheegay inuu yahay nin reer Jabuuti ah oo uu ganacsi ka dhaxeeyo.

Humlen: Waxey qariyeen warbixin sirdoonka Canada iyo FBI-da.

Qareenka Mahad Abiib oo arkay warbixinta sirdoon ee FBI-da iyo sirdoonka dalka Canada, ayaa sheegay in warbixintaas ay sawir fiican ka bixineyso Mahad Abiib, isaga oo sheegay in warbixinta sirdoonadaas ay diyaariyeen ay fursad u tahay Mahad Abiib oo heli karo jaanis uu ku cadeeyo dhalashadiisa saxda ah, uuna noloshii Norway dib ugu soo ceshto.

Arild Humlen ayaa aad uga xanaaqsan in booliska Norway ay diideen inay warbixintaas sirdoon oo sanad kahor loo soo diray Norway ay wali diidanyihiin in banaanka la keeno ama laga hadlo. Wuxuuna sheegay inuu hada rabo inuu booliska la aado maxkamada, si ay daaha uga qaadaan warbixintaas oo Mahad Abiib u ka caawin karto cadeynta aqoonsigiisa saxda ah. Wuxuuna raaciyay in booliska Norway ay jabiyeen xuquuqda bini-aadantinimo ee Mahad, maadaama ay qariyeen warbixin ay hayeen oo ay ogaayeen inay isaga caawineyso.

Booliska ayaa dhankooda sheegay in sababta ay u qariyeen warbixinta ay tahay inay ka digtoonaadaan in cadeymaha kiiska la isdaba mariyo. Waxeyna sheegeen in Mahad uu galay danbi, maadaama uu kabaxay Norway, ogolaansho la´aana uu aaday dal kale.

Mahad ayaa hada kunool magaalada Paris, wuxuuna magangalyo kumeel gaar ah ka helay dowlada dalka Faransiiska.

Xigasho/kilde: Raser mot politiet: Holder rapporter som kan renvaske Mahad (34) hemmelig.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments