Xaflado aroos oo sababay in 46 qof laga helo Coronavirus: 300 qof karantiil.

0
90

Sida ay xaqiijiyeen laamaha caafimaadka magaalada Oslo, Isku dar 46 qof ayaa laga helay xanuunka Coronavirus, kadib markii ay ka qeybqaataan 2 xafladood oo loo dhigay hal aroos oo ka dhacay magaalada Oslo. Waxaana karantiil la galiyay 300 qof oo kale oo isla xafladahaas lala xiriirinayo.

Dadka xanuunka laga helay iyo kuwo karantiilka la galiyay ayaa isugu jiro dad xaflad toos uga qeybqaatay iyo dad guri kula nool ama xiriir la sameeyay dad xaflada ka qeybqaatay.

Laamaha caafimaadka Oslo ayaa sheegay in labada xafladoodba loo qabtay hal aroos oo labo meelood oo kala duwan loogu dhigay xaflad dabaal deg aroos.

Magaalada Oslo waxaa xanuunka Covid-19 labadii isbuuc ee ugu danbeeyay laga helay 1.146  qof oo kala duwan.

Xigasho/kilde: Ytterligere tolv personer har fått påvist coronasmitte etter bryllupsfester.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments