Grønland-Oslo: Booliska oo hadana galay maqaaxi-shaax soomaaliyeed oo kale.

0
85

Booliska magaalada Oslo ayaa habeenkii axadda ahaa galay, 22 qofna ku ganaaxay mid kamid ah maqaaxiyaha soomaalida ee lagu caweeyo ee kutaal xaafada Grønland ee magaalada Oslo. Waxeyna boolisku sheegeen in xiliga ay maqaaxidda galeen lagu daawanayay ciyaar kubadda cagta ah. Halkan kasii akhri.

Galabtii axadda: Maqaaxi labaad.

Sida ay NorSom News kasoo xigatay dad goob-joog ah, booliska Oslo ayaa isla maalintii axadda hadana gudaha u galay, dhowr qofna ku ganaaxay mid kamid ah maqaaxiyaha soomaalida ee shaaxa laga cabo oo kutaal magaalada Oslo.

Booliska oo si kaddis ah ah ku galay maqaaxida, ayaa gudaha ugu galay dad ka badan intii uu sharcigu ogalaa, iyaga oo dacwado ku saabsan jabinta xeerka Corona ka gudbiyay dadkii halkaas ku sugnaa.

Mid kamid ah dadka goobtaas joogay ayaa noo sheegay in boolisku ay galeen maqaaxidda, iyaga oo waxyar kadibna bilaabay inay magacyada ka qortaan dadkii halkaas ku sugnaa, kadibna ku wargaliyay in laga gudbin doono dacwado ku saabsan jabinta sharciga Coronaha. Waxeyna intaas kadiv ku amreen inay kala tagaan ama dhimaan tiradda ay meeshaas ku joogaan, si looga hortago faafitaanka xanuunka Corona.

Dowlada hoose ee magaalada Oslo ayaa mamnuucday inay isku imaan karaa wax ka badan 10 qof, inta lagu jiro mudada xayiraada Corona. Waxeyna qofkii jabiya xeerkaas lagu ganaaxaa lacago kala duwan. Halkan kasii akhri qiimaha ganaaxyada kala duwan ee booliska Oslo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments