onsdag, april 24, 2024

Oslo: Booliska Oslo oo xalay galay maqaaxi soomaali ah: 22 qof ayay dacweeyeen.

Booliska magaalada Oslo ayaa xalay gudaha u galay mid kamid ah maqaaxiyaha soomaalida ee ciyaaraha lagu daawado, oo kutaal xaafada Grønland. Waxeyna gudaha goobtaas ugu tageen 22 qof, kuwaas oo dhamaantood laga gudbiyay dacwad ah inay jabiyeen sharciga kahortaga Coronavirus.

Booliska ayaa warbaahinta u sheegay in gudaha goobtaas lagu daawanayay ciyaar kubadda cagta ah. Iyaga oo raaciyay in dadka gudaha kujiray ay intaas ka badnaayeen, balse ay qaarkood banaanka taagnaayeen, marka ay boolisku meesha tageen.

Dad daris ah oo maqlayay qeylada meesha ka socoto ayaa booliska ku wargaliyay arrintan, sida ay boolisku ku sheegeen bartooda twitterka.

Degmada Oslo ayaa mamnuucday inay hal goob ku kulmi karaan ama isugu imaan karaan wax ka badan 10 qof, si looga hortago faafitaanka xanuunka Coronavirus.

Meel kale: 23 qof oo kale

Booliska Oslo ayaa dhanka kale sheegay in meel kale oo kutaal isla meesha ay ku qabteen 22-ka qof ay ku arkeen goob kale oo ku kulansanuyihiin 23 qof. Waxeyna dhamaantood ku dacweeyeen jabinta sharciga Corona.

Isku dar dadka ay boolisku ku dacweeyeen jabinta Corona ayaa noqonayo 45 qof.

Booliska ayaa qofkii ka qeybgala kulan ama xaflad ay kasoo qaybgaleen wax ka badan 10 qof ku ganaaxa 5000 kr, halka qabanqaabiyaha xaflada lagu ganaaxo 10.000 kr.

Xigasho/kilde: Politiet i Oslo anmelder 45 for brudd på smittevernregler på Grønland.

Vårtoslo: https://vartoslo.no/bydel-gamle-oslo-line-skott-oslo-politidistrikt/45-personer-anmeldt-for-brudd-pa-smittevernregler-i-natt-politiet-stanset-to-arrangementer-pa-gronland/271013.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x