Xiligan ayaa la bilaabi doonaa bixinta kaarka cusub ee aqoonsiga qaranka.

0
132
Kaarka cusub ee aqoonsiga qaranka ee Norway. Foto: Politiet

Hey´adda xukunka booliska Norway ee Politidirektoratet ayaa sheegtay in wixii ka bilowdo 30-ka bishan November ee sanadkan 2020 la bilaabi doono bixinta kaararka cusub ee aqoonsiga qaranka. Ayna dadku si toos ah uga dalban karaan xarumaha booliska ama webka Booliska Norway.

Kaarka aqoonsiga qaranka oo inta badan laga adeegsado dalalka kale ee Yurub, ayaa ah mid uu qofku u adeegsan karo safaraddaha fudud ee Yurub dhexdeeda ah, wuxuuna badal u noqon karaa baasaboorka oo dad badan ay dhibsadaan inay qaataan xiligga safarka. Wuxuuna kaarka aqoonsigu noqon karaa mid fudud oo sida kaarka bankiga oo kale uu qofku jeebka ku qaadan karo.

Booliska ayaa sheegay in kaarka aqoonsigu uu yahay mid muujinaya aqoonsiga qofka ee saxda ah, ayna adagtahay in la faaliso-gareeyo.

Xigasho/kilde: Etter flere utsettelser er de nye ID-kortene kun uker unna. 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments