Booliska: Qiimaha ganaaxyada ee Corona

0
85

Booliska ayaa 10.000 kr ku ganaaxay shaqsi qaban-qaabiyay xaflad ay kasoo qeybgaleen dad ka badan 10 qof, xili maamulka magaalada Oslo ay mamnuuc ka dhigeen in xaflad ay ku kulmaan dad ka 10 qof.

Shaqsiga lagu ganaaxay 10.000 ee kr ayaa lagu eedeeyay inuu jabiyay sharciga kahortaga xanuunada faafa, oo ah sharci awood badan la siiyay dhaqangalintiisa, kadib markii uu Norway ka dilaacay xanuunka Corona.

Booliska Norway ayaa warka ganaaxa ku saabsan kadib bartooda internetka soo dhigay qiimaha ganaaxyada kala duwan ee lagu ganaaxo dadka jabiya sharciyada Coronavirus.

Booliska Oslo(Gaar ahaan):

Qofkii jabaya sharciga xirashada marada afka isaga oo saaran gaadiidka dadweynaha: 2000 kr. Hadii qofku uu sababo inuu xanuunka faafo, wuxuu ganaaxu gaari karaa 20.000 kr.

Qofkii jabiya sharciga xirashada marada afka ee tagaasida: 2000 kr. Tagsiilaha iyo qofka tagsiga saaranba waxaa ku waajib ah inay marada afka xirtaan.

Qofkii qaban-qaabiya xaflad ay isugu imaanayaan wax ka badan 10 qof: 10.000 kr

Qofkii ka qeybqaata xaflad ay isugu imaadeen wax ka badan 10 qof: 5000 kr

Booliska wadanka oo dhan(Guud ahaan):

Qofkii qabiya sharciga karantiilka, isaga oo wadanka dibadiisa kasoo noqday: 20.000 kr

Qofkii jabiya sharciga karantiilka, kadib markii xanuunka laga helay qof u dhow: 20.000 kr

Qofkii kasoo baxa istakoorka(Isolasjon) lagu amray inuu galo, kadib markii laga helay Corona: 20.000 kr.

Xigasho/kilde: Så mye koster det å bryte smittevernloven.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments