2-da su´aalood ee ugu badan: Goormee xuduudka Sweden iyo Garoomada diyaaradaha la furi doonaa.

0
80
Hilib Halaal

Isbuucan dowlada Norway ayaa soo saartay amaro cusub oo la xiriira qaabkii wadanka dib loogu furi lahaa, nolosha caadiga ah ee dadkana dib loogu soo celin lahaa. Halkan ka akhri qodobada

Waxeyna dowlada sheegtay in hadafka ugu weyn uu yahay in inta badan nolosha caadiga ah ay dib usoo noqoto kahor xagaaga. Halkan ka akhri

Soomaalida oo kamid ah dadweynaha kunool wadankan Norway ayaa maalmahan baraha bulshada aad u hadalhayay go´aamada dowlada, waxaana aad usoo noq-noqonayo labada su´aalood ee ah 1) Goormee xuduudka Sweden la furi doonaa iyo 2) Goormee la furi doonaa garoomada diyaaradaha iyo duulimaadyada diyaaradaha Norway ka baxa.

Qaar kamid ah soomaalida oo baraha bulshada aad ugu hadalhayo arinta furitaanka xuduudka Sweden, ayaa sheegay in aad u rabaan kasoo adeegashada xuduudka Sweden, maadaama lagu jiro bishii barakeysneyd ee Ramadaan. Waxeyna sheegeen inay baahi weyn u qabaan hilib xalaal iyo adeega bisha Ramadaanka ee hada kala bar ay na dhaaftay.

Arinta kale ee ku saabsan garoomada diyaaradaha, waxaa jiro kumanaan qof oo sanadkan qorsheeyay inay safaro shaqo ama fasax u tagaan wadamada dibadda ah, kuwaas oo safarkoodii laga kansalay aana ogeyn xiliga xiga oo ay bixi doonaan. Sidoo kale waxaa wadamada dibadda ah ku xayiran boqolaal qof oo Norway degan, kuwaas oo wali la´qaab ay ugu soo noqdaan Norway.

Labada su´aaloodba waxey nala xiriiraan go´aanka dowlada ee furitaanka xuduudaha Norway, kaas oo wali aysan dowladu go´aan kasoo saarin. Iyaga oo sheegay in furitaanka xuduudaha ay u baahantahay wadashaqeynta dalalka Nordica ama kuwa kale ee Yurub: Halkan kasii akhri

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments