Erna Solberg: Hadafkeenu waa inaan dalka furno, xagaaga kahor.

0
142
Foto: Regjeringen.no

Reysulwasaaraha dalkan Norway oo shaley wareysi siisay wargeyska VG, ayaa sheegtay in dowladu ay dajisay qorshe dhameystiran oo looga baaraan-dagayo sidii Norway dib loogu furi lahaa si tartiib-tartiib ah, kahor inta aan lagaarin fasaxa xagaaga.

Reysulwasaaraha Norway ayaa sheegtay in hadafka dowladu uu yahay in dib loo furo dhamaan shirkadaha iyo nolol maalmeedka kale ee caadiga ah, kahor inta aan la gaarin xagaaga(sommerka). Ayna dowladu maalinta khamiista ah ee beri ah ay soo bandhigi doonto qorshaha dib u furitaanka dalka, kadib 2 bilood oo uu dalka xaalad xanibaad ah ku jiray.

Wasiirka qoyska oo wareysiga kala qeybqaatay Erna Solberg, ayaa dhankiisa sheegay in qorshaha dib u furitaanka dalka, ay dowladu ay muhiimadu koowaad siin doonto dhalinyarada iyo caruurta, kadibna shirkadaha ganacsiga, kadibna howlaha kale ee caadiga ah ee nolol maalmeedka bulshada ay ku tiirsantahay.

Xigasho/kilde: Erna Solberg: – Målet er å åpne Norge før sommeren

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments