Taajirkii ku eedeysnaa dilka xaaskiisa oo xabsiga laga sii daayay.

0
93
Tom Hagen iyo xaaskiisa. Sawirka: Skjermdump/Expressen.se

Maxkamada sare ee dalkan Norway ayaa shaley diiday aqbalaada codsi ka yimid xeer ilaalinta booliska Norway, kaas oo ay ku dalbanayeen in si kumeel gaar ah mudo afar isbuuc ah xabsiga loo dhigo Tom hagen oo ku eedeysan dilka xaaskiisa.

Tom Hagen oo 70 sano jir ah, ayaa ah ganacsade iyo maalqabeen caan ka ah dalkan Norway. Waxaana xabsiga la dhigay isbuuc kahor, isaga oo ku eedeysnaa inuu ka danbeeyay ama wax ka ogaa dilka xaaskiisa Anne-Elisabeth Hagen.

Anne-Elisabeth Hagen oo ah xaaska Tom hagen ayaa la weysanaa tan iyo sanadkii 2018, waxeyna marka hore boolisku ka shakisnaayeen in la afduubtay, madax furashana laga dalban doono qoyskeeda, si loo sii daayo. Balse isbuucyo kahor ayay boolisku badaleen baaritaankooda, waxeyna xabsiga dhigeen Tom hagen, iyaga oo sheegay inay heleen cadeymo muujinayo inuu ka danbeeyay ama wax ka qorsheeyay dilka xaaskiisa. Halkan kasii akhri

Tom hagen ayaa iska fogeeyay eedeynta la xiriirta dilka xaaskiisa, halka ay caruurtiisu aad u dhaliileen habka ay boolisku ula dhaqmeen aabahood oo ku eedeysan dilka hooyadood.

Qareenka Tom hagen ayaa isna sheegay inaysan boolisku heysan cadeymo ku filan oo sharci ahaan ay ganacsadahan xabsiga kusii heyn karaan inta kiiska eedeynta dilka ah laga baarayo.

Ugu danbeyn maxkamada racfaanka ayaa hada xabsiga kasii deysay Tom hagen oo wali ku eedeysan eedeynta dilka ah.

Booliska ayaa dhanka kale xabsiga dhigay qof kale oo lala xiriirinayo inuu wax ka ogaa qorshaha dilka ah ee lagu dilay Anne-Elisabeth. Balse lama oga doorka qofka

Xigasho/kilde: Tom Hagen ute av fengsel – politiet vil fortsatt ransake hus og hytte

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments