Solberg: Waxaan furitaanka xuduudaha kala hadli doonaa dalalkan.

0
108

Dowlada Norway ayaa shaley soo bandhigtay qorshe dib loogu furi doono nolosha iyo isku socodka dadka, waxbarashada iyo ganacsiga Norway. Balse waxaan wali aan go´aan laga soo saarin xiliga la furi doono xuduudaha Norway ee hada xiran.

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa sheegtay in go´aanka furitaanka xuduudaha dalkeedu, uusan aheyn mid ku xiran oo kali ah go´aanka dowlada Norway, balse uu yahay go´aan u baahan wadashaqeyn caalami ah ama ugu yaraan dalaka Yurub.

Solberg ayaa sheegtay in arinta furitaanka xuduudaha ay kala hadashay dhigeeda dalka Denmark, Mette Frederiksen. Waxeyna sheegtay in qorshuhu uu yahay in dalalka Nordica ama guud EU-du ay isku mar furaan xuduudaha, si la isaga kaashado xakameynta xanuunka Covid-19.

Dowlada Norway ayaa lagu wadaa inay 15-ka bishan Mai ay soo saarto qorshe iyo jadwal lagu furi doono xuduudaha. Balse dowlada ayaa dadka kula talineyso inaysan dalka ka bixin, oo ay fasaxa dalka gudihiisa ku qaataan.

Xigasho/kilde_: Snakker med andre land om å åpne grensene

Si aad ula socoto wararka NorsoM News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan riix, kadibna Subcribe saar.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments