lørdag, april 27, 2024

Akhri Qodobadan: Qaabkan ayay dowladu rabtaa inay wadanka dib ugu furto.

Reysulwasaaraha Norway iyo dhowr wasiir oo katirsan xukuumadeeda ayaa shir jaraa´id oo ay shaley qabteen kusoo bandhigay qorshaha xukuumada ee ku aadan dib u furitaanka wadanka, kadib 7 isbuuc oo uu wadanku xanibaad saarnaa.

Mid kamid ah qodobada ugu waaweynaa ee shaley lagu soo bandhigay shirka xukuumada, ayaa ahaa in wixii ka bilowdo maalinta isniinta ah dib loo furi doono iskuulada hoose/dhexe iyo waliba dugsiyada sare.

Qodobadan horey dhaqangalkoodu uu ka bilowday shaley:

  • Wixii ka bilowday shaley, waxey dowladu ogolaatay inay hal goob ku kulmi karaan dad gaarayo 20 qof, hadii ay ilaalinayaan sharciga ah inay hal tilaabo isku jirsadaan. Tirada ugu badan ee dowladu ay ogoleyd inay kulmaan ayaa wixii shaley ka horeeyay ahaa 5 qof, hadana waxaa laga dhigay 20 qof, balse waa in wali la isku jirsadaa.
  • Waxaa la qaaday xanibaadii saarneyd dadka ka shaqeeyo caafimaadka ama leh aqoonta caafimaad, taas oo ku aadaneyd inaysan wadanka ka bixi karin ilaa amar danbe. Dadka ka shaqeeyo caafimaadka ama leh aqoonta caafimaad, ayaa hada loo ogolyahay inay wadanka ka bixi karaan, balse dowlada ayaa wali ka digeyso in wadan dibadda ah aan loo safrin.
  • Waxaa la ogolaaday in la qaban karo kulamo dadweyne oo ugu badnaan ay isugu imaan karaan 50 qof, hadii ay dadku ilaalinayaan sharciga ah inay hal mitir isku jirsadaan.

Qodobada dhaqan-gali doono isniinta(11-Mai):

  • Waxaa la furi doonaa iskuulada hoose, dhexe iyo waliba dugsiyada sare. Sidoo kale waxaa la furi doonaa dugsiyada barashada wadista baabuurta. Halkan kasii akhri
  • Jaamacadaha iyo goobaha waxbarashada sare ayaa iyagu wali sii xirnaan doono.
  • Iskuulada waxbarashada dadka waaweyn iyo goobaha waxbarashada luuqada ee dadka ajaaniibta ah ayaa iyagana la furi doonaa isbuuca danbe.

Qodobada dhaqangali doono 1-juni:

  • Waxaa dib loo furi doonaa goobaha adeega ee aan cuntada lagu iibin, balse waa inay wali ilaalinayaan sharciga kala fogaanshaha halka mitir.
  • Waxaa dib loo furi doonaa goobaha beeraha nasashada ee dadku ay ku kulmaan.

Qodobada dhaqangali doono 15-ka Juni:

  • Waxaa dib loo furi doonaa goobaha jimicsiga iyo tababarka(Trening).
  • Waxaa dib loo furi doonaa hortaalka kubada cagta Norway.
  • Waxaa la ogolaan doonaa inay kulmi karaan dad 200 gaaraya, balse wali waa inay kala fogaadaan hal mitir.

Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, Halkan riix, kadibna subcribe saar.

Xigasho/kilde: Regjeringen med plan om å åpne Norge – skolene åpner mandag

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x