Taajirkii Soomaaliya qalabka ugu deeqay, oo Norweyna qalab kale soo gaarsiiyay.

0
121

Dowlada Norway ayaa maanta gudoontay qalab looga hortago faafitaanka xanuunka Corona-virus, kaas oo uu ku deeqay ninka ugu lacagta badan dalka Shiinaha ee Jack Ma.

Qalabkan ayaa isugu jiro maryaha afka iyo sanka lagu xirto iyo mashiinada kale ee looga hortago faafitaanka xanuunka, waxaana shaley oo jimce aheyd laga soo dajiyay dalkan Norway. Waxaana si deg-deg ah loogu qeybin doonaa isbitaalada kuyaal guud ahaan dalkan Norway.

Wasiirka caafimaadka Norway oo la hadlay wargeyska Dagens Næringsliv ayaa Jack Ma uga mahadceliyay qalabka uu soo gaarsiiyay Norway. Wuxuuna sheegay in qalabkan uu gacan ka geysan doono dagaalka lagula jiro xakameynta xanuunka Covid-19.

Jack Ma oo ah shaqsiga ugu taajirsan Shiinaha ayaa horey qalab noocan oo jale ah ugu deeqay 54-ta dal ee Afrika, Soomaaliyana ay kamid tahay. Waxaana dhamaadka isbuuci tagay magaalada Muqdisho laga dajiyay qalab laga keenay Shiinaha oo uu ninkan ugu deeqay Soomaaliya.

Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, Fadlan riix halkan: barteena Youtube-ka, kadibna Subcribe dheh(Abonner).

Xigasho/kilde: Kinas rikeste mann donerte smittevernutstyr til Norge

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments