Norway oo maxkamada looga adkaaday kiiska haweeneydan ay tarxiishay.

0
130
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maxkamada racfaanka ee Borgarting Lagmannsrett, ayaa dowlada Norway ku xukuntay inay jabisay xeerka xuquuqul insaanka, kadib markii gabar u dhalatayn dalka Iran ay sanadkii 2017 si qasab ah uga tarxiishay Norway, kuna celisay dalkeedii.

Gabadhan oo magaceedu uu yahay leila Bayat ayaa sanadkii 2009 magangalyo ka codsatay dalka Norway, waxeyna sheegtay inay ka cabsaneyso inay ciqaab kala kulanto hey´addaha garsoorka dalka Iran.

Norway ayaan rumeysan warka gabadhan, waxeyna diiday inay siiso magangalyo, iyada oo sanadkii 2017 gabadhan si qasab ah diyaarad looga saaray Norway, laguna celiyay dalkeedii.

Markii lagu celiyay dalka Iran ayay maxkamad kutaal dalkaas ku xukuntay jeedal ama in lagu sameeyo jirdil. TV2 dalkan Norway ayaa warbixin ka diyaariyay dhibaatada ay la kulantay haweeneydan.

Sanadkii 2018 ayay Norway kusoo noqotay, waxaana la siiyay magangalyo, kadibna waxey maxkamad la fuushay dowlada Norway, iyada oo dowlada ku eedeysay inay masuul ka aheyd dhibtii ay kala kulantay dowlada Iran, kadib markii dalkaas lagu celiyay.

Isbuucan ayay dowlada Norway kaga guuleysatay racfaanka kiiska kala dhaxeeyay ee maxkamada, waxaana Norway lagu eedeeyay inay jabisay xeerka xuquuqul insaanka Yurub.

Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, fadlan riix halkan: Barteena Youtube-ka, kadibna Subcribe saar.

Xigasho/kilde: Norge dømt for brudd på torturforbud i Leila-saken

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments