Sweden: 6 kamid ah 15-ka qof ee Corona-virus u dhintay, waa soomaali.

0
200

Wararka NorSom News oo muuqaal ah kala soco halkan, Riix Subcribe(Abonner)

Sida uu shaley fiidkii sheegay TV-ga qaranka Sweden ee SVT, 6 qof oo kamid ah 15 qof oo magaalada Stockom ugu geeriyooday xanuunka Corona-virus, ayaa asal ahaan kasoo jeedo Soomaaliya.

SVT ayaa sheegay in dadka ugu badan ee soomaalida ah ee geeriyooday ay ahaayeen guruubka halista ugu jiray inay xanuunka u dhintaan, ayna qabeen xanuuno hore oo corona-virus uga horeeyay.

Dadka soomaalida ah ee TV-ga la hadlay ayaa sheegay in soomaali badan ay noloshooda si caadi ah usii wateen, xili xanuunku uu kusii faafayay Sweden. Aysana dadku helin macluumaad iyo warbixino af soomaali ah oo ka hadlaya halista xanuunka iyo faafistiisaba.

Guryaha ay soomaaldi deganyihiin oo ciriir ah ayaa sidoo kale uu SVT sheegay inay kamid tahay waxyaabaha sahlayo in xanuunkan uu ku faafo soomaalida dhexdeeda. Iyada oo ay badantahay in dad waaweyn oo da´ah iyo caruurt ay isku guri ku wada noolyihiin.

Sidoo kale dhaqanka soomaalida oo ah mid fur-furan oo dadku ay is dhexgalaan ayaa kamid waxyaabah fududeynayo in cudurkan uu si fudud ugu dhex-faafo bulshada soomaalida ah.

Xigasho/kilde: SVT

Halkan ka daawo wareysiga wiil uu xanuunka Corona-virus ku dhacay oo ka waramaya calaamadaha.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments