Cilmibaare soomaali ah: Corona-virus ayaa igu dhacay, waana ka caafimaaday.

0
91

Si aad ula socoto wararka, warbixinada iyo talooyinka NorSom News oo muuqaal ah, Halkan riix(Subcribe/Abonner)

Xasan Cabdi Dhoorre waa Seynisyahan ka mid ah khubarada loo xil-saaray baaritaanka cudurka coronavirus ee dalka Ingiriiska, balse isagii ayuuba ku dhacay, walow hadda uu ka fiicnaaday.

Wuxuuna sharraxay sidii uu uga caafimaaday Coronavirus, isagoo wareysi siinayay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.

«Anigoo shaqada jooga ayuu xanuunku i qabtay, kaddibna waxaa la iisoo diray guriga. Ma jirto meel xaqiiqo ah oo aan dhihi karo cudurka halkaas ayuu iga soo raacay, laakiin waxaan raacayay tareennada ay dadka badan saaran yihiin iyo basaska», ayuu yiri.

Markii uu cuedurka ku dhacay wuxuu aad ugu sii xanuunsaday gurigiisa, halkaasoo uu isku karantiilayay.

«Xanuunkan wuxuu leeyahay qufac qallalan oo aysan waxba soo raaceynin. islamarkii aan guriga tagayba waxaa igu billowday qufacaas iyo qandho kulul, sidoo kalena waxaa i dhibayay naqaska», ayuu yiri Xasan Cabdi Dhoorre.

Daawo miyaad qaadatay, sideed uga soo caafimaaday?:

Dhoorre oo su’aashaas ka jawaabaya ayaa yiri: «Horta wali ma jirto daawo soo baxday oo uu cudurkan leeyahay, sababtoo ah waa xanuun adduunka ku cusub. Aniga waxaan qaadanayay dawooyin kaalmaati ah, sida qandho jabiyaha loo yaqaanno barastimoolka, kaasoo aan labo xabo ka cunayay markiiba, sidoo kalena waxaan cabayay biyo badan»,

Hadda wuu ka caafimaaday xanuunka, wuxuuna dadka Soomaalida ah ku boorriyay inay aaminaan jiritaanka cudurkan, ayna aad uga taxadaraan.

Wuxuu seynisyahankan sheegay in dawada coronavirus sameynteeda ay qaadan karto wax ka badan hal sano, xilli xanuunkan uu faro ba’an ku hayo inta badan dalalka caalamka.

Xigasho/kilde: BBC-SOOMAALI.

Halkan ka daawo wareysiga wiil soomaali uu xanuunka uu ku dhacay oo ka waramaya calaamadaha.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments